Dhageyso: Axmed Madobe oo DF Somalia iyo Amisom ku eedeeyey arrin xasaasi ah

0
284

Brussels  (Caasimadda Online) – Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo Maanta Khudbad xasaasi ah ka jeediyey shirka Brussels ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan dalka Soomaliya.

Axmed Madoobe ayaa si weyn ugu dheeraaday dagaalka lagula jiro Kooxda Al-Shabaab oo dhibaato xoog leh ku heyso Shacabka Soomaliyeed.
Madaxweynaha Jubbalanad ayaa si toos ah u sheegay inaysan Soomaaliya qabin ciidamo Militari iyo Boolis oo heerkii loogu talagalay ah.
Wuxuu ku taliyey in la dhiso ciidamo Qaran oo dhameystiran isla markaasna si wadajir ah la isaga kaashado arrintaas si looga adkaado ururka Al-Shabaab oo heysto deegaano badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in sidoo kale ay muhiim tahay in dowladda Soomaaliya,Madaxda  dowlad Goboleedyada iyo Hay’adaha dhaqaalaha siiya lagula xisaabtamo dhisida ciidamada iyo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Waxa uu sidoo kale tilmaamey in aan weli waxba ka fulin heshiisyadii ka soo baxay shirarkii horay loogu qabtay dalka gudihiisa iyo dibadiisa.
Sidoo kale ,isaga oo ka hadlayey dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Madaxda AMISOM aysan diyaar u aheyn in dalka laga saro Al-Shabaab.
Hadalka Axmed Madoobe ayaa kusoo aadayo xilli uu jiro khilaaf xoog leh oo u dhaxeeyo Maamul Goboleedka Jubbaland iyo Dowladda dhexe gaar ahaan wuxuu khilaafkaas ku saleysan yahay xagga ciidamada iyo cidda loo magacaabayo taliyaasha.
Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka Axmed Madoobe


Caasimada Online

Xafiiska Bresels
Caasimada@live.com






READ MORE FROM THE SOURCE: Dhageyso: Axmed Madobe oo DF Somalia iyo Amisom ku eedeeyey arrin xasaasi ah

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.