Dhageyso: Buubaa “Micno Weyn Ayuu Ku Fadhiyaa Heshiiska Soomaaliya Iyo Itoobiya”

0
412

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Ismaaciil Hurrre Buubaa ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu kaga hadlay heshiiskii dhowaan ay magaalada Muqdisho ku gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya.
Waxa uu sheegay Buubaa in heshiiskaasi uu yahay mid micno weyn ku fadhiya, islamarkaana heshiiska dekadaha yahay mid isbedallo ka hirgelin kara guud ahaan dhulka Soomaalida.
Buubaa ayaa dhanka kale sheegay in hadda kaliya un la heshiiyey balse la sugayo qaabka heshiiskaasi uu ku dhaqangalayo.
Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa Sabtidii lasoo dhaafay ku heshiiyey arrimo la xiriira horumarinta dekadaha iyo iskaashiga dhaqaalaha.
Halkaan hoose ka dhageyso:


Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Dhageyso: Buubaa “Micno Weyn Ayuu Ku Fadhiyaa Heshiiska Soomaaliya Iyo Itoobiya”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.