Dhageyso Cirro: Muuse Biixi waxa uu naga qariyey arirn ku saabsan shirka Brussels

0
329

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Waddani ee Somaliland Cabdiraxaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay qeyb ka yihiin xaalada Somaliland, shirkii ka dhacay Brussels iyo arrimo kale.
Waxaa uu sheegay guddoomiye Ciro in shirkii ka dhacay magaalada Brussels ay ka qeyb galeyn mas’uuliyiin ka socotay Somaliland, islamarkaana sheegay in uu gaf ku dhacay Xisbiga Kulmiye ee haatan haya talada Somaliland.
“Muuse waa naga qariyey inuu wafti u diray shirka Brussels, oo ay uga qeyb-galeen Faysal iyo Cali Khaliif” ayuu yiri Cirro.
Dhinaca kale, waxaa uu  dhaliil u jeediyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoona sheegay in Somaliland ay ku jirto marxalad dhaqaale iyo habacsanaan ah, balse sheegay in mas’uuliyadiisa ay qaadi doonaan Xisbiga Kulmiye .
“Waxaa maanta meeshii ugu hooseesay maraya siyaasada arrimaha dibada Somaliland oo go’doon siyaasiyeed sii galaya maalinba maalinta ka dambeysa waxaa soo baxaya sawiro muujinaya in Somaliland maqaamkeedu hoos u sii socda” ayuu yiri Cirro.
Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday arrimo ku aadan hawada Somaliland, isagoona sheegay in saraakiil ka socda dowlada ay ku sugan yihii magaalada Hargeysa.
Hoos ka dhageyso Codka Cabdiraxaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro).
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com
 




READ MORE FROM THE SOURCE: Dhageyso Cirro: Muuse Biixi waxa uu naga qariyey arirn ku saabsan shirka Brussels

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.