Dhageyso: Falanqeyn Ku Saabsan Hannaanka Xisbiyada Badan

0
308

Sida uu qorshuhu yahay Soomaaliya waxaa la doonayaa in ay u gudubto Nidaamka Xisbiyada badan, waxaana ilaa iyo hadda la diiwaangaliyay Xisbiyo gaaraya ilaa labaatan.
Weli waxaa soconaya diiwaangalinta Xisbiyada haddaba doorashada Soo socota nidaamka Xisbiyada badan malagu gaari karaa waxaa ka jawaabaya guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Shakhsiyadda iyo Wadaniyadda Soomaaliyeed Maxamuud maxamed.
“Guddiga doorashooyinka Qaranka waxaa uu meelmariyay ilaa dhowr xisbi haddana isdiiwaangalintii waa ay socotaa koley waxaa socda tartan ku aadan sidii umadda Soomaaliyeed ay ugu gudbi lahaayeen nidaamka doorashooyinka Axzaabta badan”.
Aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa soo jeedinaya in Xisbiyada xilligan looga baahanyahay in ay dadaal xooggan Muujiyaan isla Markaasna ay ka dhowrsanadaadaan in qaab qabiil iyagana loo sameeyo.
Aqoonyahannada ayaa waxaa ay intaas ay ku dareen in nidaamka Xisbiyada badan uu yahay wadada kaliya ee looga gudbi karo hanaanka qabiilka oo hadda waxa lagu qeybsado.
 
 
 


 
 
 
 
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Dhageyso: Falanqeyn Ku Saabsan Hannaanka Xisbiyada Badan

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.