Dhageyso: Warbixin Ka Hadleysa Diyaar Garowga Doorashada Ee Puntland

0
384

Muddo shan bilood ah ayaa ka dhimana doorashada Madaxtinnimo ee Maamulka Puntland taasi oo ku beegan 8 Janaayo 2019, waxaa jira Musharrixiin Shaaciyaya in ay u tartamayaan xilka Madaxweynanimo ee maamulka.
Doorashada Puntland ayaa ku soo aadeysa xilli Colaado ay ka taaganyihiin qaar ka mid ah deegaannada gobolka Sool taasi oo u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland.
Hadalheynta Shacabka Puntland ayaa xilligaan waxaa ay tahay doorashada Puntland iyo xiisadda dagaal ee u dhaxeysa labada maamul .
Siyaasi Saciid Faarax Maxamed oo xog ogaal u ah arrimaha Puntland ayaa Goobjoog News uga warramay doorashada iyo xaaladda ka taagan Puntland.
“Sida aad la socotaan 4 sano doorashada waxaa ayna ku saleysantahay Axdigii hore ee la dhistay haddana waxaa ay ku saleysantahay Dastuurka marka waa arrin Dastuurki ah oo la rabo in Madaxda Markaasi joogta ay qabato “.
Inkastoo Madaxweynaha Puntland C/wli Cali Gaas uu dhowr jeer uu ku celceliyay in doorashada ay Waqtigeedu ay dhaceyso ayaa hadana Shacabka waxaa ay shiki galinayaan in doorashada ay ku dhici weyso waqtigii loo qabtay.
 
 
 
 
 


Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Dhageyso: Warbixin Ka Hadleysa Diyaar Garowga Doorashada Ee Puntland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.