Dhageyso: Wiilkii xaaskiisa ku dul ooyey arooskiisa oo wareysi xiiso leh bixiyey

0
180

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Sadiiq Cabdinaasir oo ah wiil dhowaan caruus galay, ayaa ku dul ooyey xafladdii arooskiisa ayada oo dadka qaarkood ay sheegeen inuu la ooyey “jaceylka uu xaaskiisa Ilhaan u qabo”.Sadiiq Cabdinaasir oo wareysi siiyey BBC Somali ayaa sheegay inuu la ooyey farxad darteed iyo hanashada xaaskiisa.“Qof walbo bini’aadam ah oo qalbi leh maalin ayuu ooyaa, waxaan la ooyay farxad darteed, sida ay qoyskeeyga uga soo qeyb galeen xaflada arooskeyga iyo inaan hantiyay qofkaan dunida ugu jeclaa”, ayuu yiri Sadiiq Cabdinasir oo BBC-da la hadlay.Waxay ahayd habeen xasuus ku reebtay dadka ka soo jeeda gobolka Mudug oo arrintan siyaabo kala duwan uga falceliyay qaarkood ayaa waxayba aaminsanihin in reer Mudug ay yihin dad aanan lagu aqoonin calool jileec.“Wiilka wuxuu la ooyay jaceeyl uu u qabo xaaskiisa, laakiin waxay ahayd inuu qarsado oo markay isku soo haraan uu iyada kali ah u u muujiyo jaceylkiisa, reer Muduga laguma ogeyn calool jileecaas” ayuu yiri Cabdirisaaq Dhilood oo Garoowe jooga.Hoos ka dhageyso wareysiga BBCCaasimada Online Xafiiska Gaalkacyo caasimada@live.com




SOURCE: Dhageyso: Wiilkii xaaskiisa ku dul ooyey arooskiisa oo wareysi xiiso leh bixiyey

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.