Dhibaato intee la’eg ayuu BFS ku qabi karaa la xisaabtanka Wasiir ka tirsan isla Golaha BF?

0
337

Muqdisho (Caasimada Online)-74% Golaha Wasiiradda Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, qodobka 97 ee Dastuurka dalka ayaa ogolaanaya in xildhibaan uu qaban karo xil wasaaradeed, laakiin kororka xildhibaanada ee Golaha Wasiiradda ayaa abuuray walaac badan oo laga qabo sal adkaanshaha xukuumadda Khayre.
Xukuumadihii ka horeeyay Ra’iisul Wasaare Khayre, waxaa ku jiray xubno baarlamaanka ka mid ah, xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka iminka dhisan ayaa aaminsan inay wada shaqeyn wanaagsan dhexmari karto Wasiiradda iyo sharci xildhibaanada ama fulinta iyo sharci dajinta, haddii baarlamaanka ay ku bataan Golaha Wasiiradda.
Xildhibaano hore iyo xubno siyaasiyiin ah ayaa iyagana aaminsan in kororka xildhibaanada ay ku kordhayaan Golaha Wasiiradda ay keeni doonto inuu adkaado isla xisaabtanka, hay’addaha fulinta iyo wasiiradda.
Xildhibaan hore Cabdi Barre Cabdi, ayaa ka mid ah xildhibaanada baarlamaankii Sagaalaad ee la weydiiyay heerka ay wanaagsan tahay in xubnaha baarlamaanka ka gaaraan Xukuumadda marka loo eego Boqoleey.
“Waxa ay aheyd qorshaha sida uu yahay baarlamaanka inuu noqdo ugu yaraan Labaatan ama Toban in Golaha ka mid noqdaan, Baarlamaan hada Boqol cag cageynayo side loola xisaabtamayaa”. Ayuu yiri Xildhibaan hore Cabdi Barre.
Xildhibaan Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil oo ku dhawaad 10 Baarlamaanka ka mid ah, horeyna u soo noqday wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa taageeray in 74% baarlamaanka ka mid noqdaan Barlamaanka ama laga sii kordhiyo, wuxuuna ka aragti duwan yahay 60% aragtidda Xildhibaan Cabdi Barre, haddaba maxay tahay waxa uu aaminsan yahay xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil.
“Aniga ka noqday Wasiir oo Baarlamaanka ku jira, ku kale oo jagada aan hada hayo rabay ayaa jooga, marka dhinacaas hadii laga fiiriyo iyada ayaa ugu fiican, qof walba waxaa hoggaaminaya damiirkiisa iyo dhaarta uu maray”. Ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh.
Doorashadii ugu dambeysay ee Guddoonka baarlamaanka ayaa keentay in Wasiiro iyo ku xigeeno u tartamayay xilka guddoonka baarlamaanka ay ka tagaan xilalka Wasaaradaha, maadaama ay xil guddoomiye u tartamayaan, kumana soo laaban qaarkood xilalkii ay baneeyeen.
Lixdii Wasiir ee ugu dambeysay ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u magacaabay, wasiiro ku xigeen iyo agaasime madaxtooyo, ayaa dhamaantood kamid ah xubnaha baarlamaanka.
Xubnaha baarlamaanka ee ku jira Golaha Wasiiradda ayaan isku daynay inaan ogaano sidey isu xisaabin doonaan iyaga, maadaama ay baarlamaanka iyo Wasiiradda ay kamid yihiihn, laakiin ma aanan helin masuul arrintaasi nagala hadla.
Xildhibaan Cabdi Barre ayaa qaba aragti inay in qof labo xil isku haya inay horseedeyso yaraanta isla xisaabtan iyo kororka Musuqa, wuxuu kaloo sheegay inay muhiim tahay in wax ka badalid lagu sameeyo qodobka dastuuriga ee ogolanaaya in xildhibaano uu noqon karo Wasiir.
“Qof xildhibaan ah marka uu Taliye ciidan xilka u baneynayo, waa in la yiraahdaa qofkii Wasiir noqda xilka xildhibaanimo ayuu baneynaa, ama xildhibaanka maba qaban karo xil kale, arrintan waxaa laga soo min guurfiyay Kenya oo sidan ahaan jirtay, markii la isku baaba’ay oo musuqii uu batay ayaa 2012-kii Maxkamadda ay go’aamisay inaan xildhibaan noqon Karin Wasiir”. Ayuu markale yiri Xildhibaan hore Cabdi Bare.
Waxaa su’aasha taagan ay tahay, Xildhibaanka Wasiirka ah, marka wasaaradda uu joogo lala xisaabtamayo ma wuxuu isu difaaci doonaa sida wasaaradda wanaageeda uu u doonayo, mase wuxuu isu xisaabin doonaa sida Xildhibaan la xisaabtamaya Wasiir aan baarlamaanka ku jirin.
Walaaca hadda la muujinayo ayaa ah, in Xukuumadda ay dooneyso inay xildhibaanadan noqdaan difaac adag marka mooshin kaga yimaado Baarlamaanka, sida dhacday markii la ridayay guddoomiye Jawaari.
Laakiin waxay su’aal ku godnaan doontaa tiradda kale ee xildhibaan, oo ka badan xildhibaanada wasiiradda ku jiro, oo iyaga laga doonayo inay si dhow ula socdaan howlaha ay qabanayaan wasiiradda.
W/D:- Mohamed Isse Mohamud
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Dhibaato intee la’eg ayuu BFS ku qabi karaa la xisaabtanka Wasiir ka tirsan isla Golaha BF?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.