Digniin laga soo saaray heshiis Dowladda Soomaaliya la gashay 31 Shirkadood oo kaluumeysi

0
237

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadkii hore shaacisay inay heshiis la gashay shirkado Kaluumeysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha kuwaasi oo la siiyay Ruqsad ay kaga kaluumeysan karaan xeebaha Soomaaliya.Wargeyska Quartz oo xarumo ku leh Washington iyo London ayaa warbixin dheer oo looga hadlayo heshiiskaasi daabacay, waxaana inta badan warbixinta ay la xiriirta saameynta ka dhalan karta heshiiskaasi.Warbixinta Wargeyska ayaa lagu sheegay in rajada dowladda Soomaaliya ay tahay in koror uu ku yimaado dhaqaalaha Soomaaliya, balse ay jiraan halis kale oo heshiiskaasi ku hoos duugan.Maraakiibtaasi oo bishan bilaabay inay ka jilaabtaan Badda Somalia ayaa  waxaa loo fasaxay inay ka hawl-galaan ilaa 24 nautical miles  oo u dhiganta 44-KM, si loo ilaaliyo hawlgalladda kalluumeysiga.Haliska Koowaad ee ku duugan arrintaan ayaa lagu sheegay inay tahay inay dib usoo labo kacleyn karaan kooxaha burcad badeeda Soomaaliya, kuwaasi oo weerari kara maraakiibtaan maadaama ay og yihiin halka ay ka howlgalayaan.Warbixinta ayaa lagu sheegay inaysan cadeyn xadiga Kaluumeysi ee ay sameyn karaan maraakibtaan bishii ama sanadkii, balse waxaa loo ogol yahay in muddo sanad ah ka kaluumeystaan xeebaha Soomaaliya.Halista Labaad ayaa lagu sheegay in Marakiibtaan ay la imaan karaan maraakiib ka qaad weyn kuwa lagula heshiiyay inay muddo sanad ah kaga kaluumeystaan xeebaha Soomaaliya.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Digniin laga soo saaray heshiis Dowladda Soomaaliya la gashay 31 Shirkadood oo kaluumeysi

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.