Diyaarad ku burburtay garoon diyaaradeed ku yaal Jamhuuriyada Kazakhistan

0
31

Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii diyaarad ay saarnaayeen boqol ruux ay ku burburtay garoonka diyaaradaha Bek ee Jamhuuriyada Khazakhistan.

Diyaaradan ayaa ka soo duushay magaalada magaalada Almaty iyadoo ku sii jeeday magaalada caasimada u ah Khazakhistan ee Nur-Sultan.

Diyaaradan oo ay saarnaayeen 95 oo rakaab ah iyo shan shaqaale ah ayaan la ogeyn sababta keentay inay dhulka ku soo dhacdo.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarada ay ku dhacday dhisme labo dabaq ah,waxaana ka tacsiyeeyay burburka diyaaradan Madaxweynaha dalka Khasazakhstan. Qasym-Jomart Toqayev.






SOURCE: Diyaarad ku burburtay garoon diyaaradeed ku yaal Jamhuuriyada Kazakhistan

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.