Dowlada oo ku dhowaaqday Guddi ka shaqeeya aaska Wasiirkii Dastuurka Cabdi Xoosh

0
215

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday guddi heer wasiiro ah oo ka shaqeeya aas qaran oo la sameynayo Wasiirkii hore ee dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo maanta ku geeriyooday magaalada Dubai.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay Guddi isagoo markale tacsi u direy qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Allaha u naxarisitee Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.
Guddigan ayaa waxaa guddoomiye u ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyadoo ay xubno ka yihiin Wasiirada Warfaafinta, Waxbarashadda, Kalluumeysiga, Amniga iyo Arrimaha dibadda.
Hase yeeshee lama sheegin xilliga la keenayo meydka Allaha u naxarisitee Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil dalka lana aasayo.


The post Dowlada oo ku dhowaaqday Guddi ka shaqeeya aaska Wasiirkii Dastuurka Cabdi Xoosh appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Dowlada oo ku dhowaaqday Guddi ka shaqeeya aaska Wasiirkii Dastuurka Cabdi Xoosh

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.