Dowlada oo shaacisay hab qorshaha qaranka looga qeyb gelinayo Somaliland

0
218

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghyaha Joogtada Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumairnta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa ka hadlay sida Maamulka Somaliland looga qaybgelinayo qorshaha qaranka ee ay Wasaaraddu waddo.Waxa uu sheegay  Cabdulqaadir in looga  talogelinayo sida Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka sare looga siiyay Xubnaha.Arrimaha Somaliland ayuu tilmaamay in ay u marayaan waxyaabaha ay ugu baahan yihiin Xubnaha ku matala Dowladda Federaalka Soomaaliya.Xoghayaha Joogtada Wasaradda Qorsheynta ayaa meesha ka saaray in shirka qorsheynta uu leeyahay waji siyaasadeed, balse waxa uu xusay  in uu ka tarjumayo Baahida shacabka.Qorshaha Horumarinta Dalka ayuu sal ugu dhigay Shirarkooda oo ku saabsan shan tiir oo kala ah: Siyaasada loo dhanyahay, Amniga, Dhaqalaha, Arrimaha bulsha deegaanka iyo mareynta kheyraadka dalka.Isbadalka Wasiirada iyo Xukuumadaha ku yimaado waxa uu sheegay Xoghayaha Wasaaradda Qorsheynta in aan saameyn ku yeelan doono, lagana sii wadi karo marba meeshii uu marayay sida uu hadalka u dhigay.Wajiga 1-aad ee shirka 9-aad ee Qorsheynta Qaranka waxaa shalay diiradda lagu saaray kaalinta Ganacsatada iyo Rugta Ganacsiga  ay leeyihiin ugana qaybqaadan karaan,iyada oo ra’yi ururin lagu sameeyay.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com 




SOURCE: Dowlada oo shaacisay hab qorshaha qaranka looga qeyb gelinayo Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.