Dowladda Belgium oo ku dhawaaqday inay aqoonsatay baasaboorka Shaqaalaha iyo kan Diblomaasiga ee Soomaaliya

0
65

jowhar Somali News Leader
Dowladda Belgium ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah ay u aqoonsatay Baasaboorka Shaqaalaha iyo midka Diblomaasiga ee Soomaaliya ee loo yaqaano (Service and Diplomatic).
Arrintan ayaa waxaa maanta shaacisay Safaarada dowladda Belgium ay ku leedahay magaalada Nairobi, iyadoo sheegtay iney ku faraxsantahay tallaabada ay ku aqoonsatay baasaboorka.
“Safaarada waxa ay ku farasantahay iney shaaciso in wixi maanta ka dambeeya ay dowladda Belgium aqoonsnatay baasaboorka Shaqaalaha iyo kan Diblomaasiyiinta ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal lagu soo dabaacay Twitter-ka Safaarada dowladda Belgium ee magaalada Nairobi.
Qoraalka ayaa waxaa safaaradda soo gaarsiisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Belgium oo qaabilsan aqoonsi siinta baasaboorada, iyadoo tallaabadan ay noqoneyso mid fududeysa socdaalka Soomaalida ay ku tagaan dalka Belgium ee dhaca Galbeedka Qaarada Yurub.
Tallaabadan cusub ayaa ka dhigan in Haddii dowlada Belgium  ay dal ku gal bixinayaan hada kadib ay ku dhejinayaan Baasaboorka, halka markii hore warqad gooni ah lagu soo saari jiray dal ku galka.
Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/sare Maxamed Aadan Koofi ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku howlanaa dadaalo la xiriira sidii Baasaboorka Soomaaliga u heli lahaa aqoonsi caalami ah, waxaana socdaalo ku kala bixiyay dalal dhowr ah, iyadoo markii u horeysay Xafiisyo laga bixiyo Baasaboorka laga furay Safaaradaha Soomaaliya ee Caalamka ku leedahay.

The post Dowladda Belgium oo ku dhawaaqday inay aqoonsatay baasaboorka Shaqaalaha iyo kan Diblomaasiga ee Soomaaliya appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Dowladda Belgium oo ku dhawaaqday inay aqoonsatay baasaboorka Shaqaalaha iyo kan Diblomaasiga ee Soomaaliya

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.