Dowladda Norway oo si rasmi ah u aqoonsatay Baasaboorka Somalia

0
314

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Norway ayaa si rasmi ah u xaqiijisay inay aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliya isla markaasna ay hadda kadib Visaha ku bixin doonto Baasaboorka Soomaaliga halkii ay markii hore ku dhufan jirtay waraaqo.
Agaaismaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi oo wareysi siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa arrintaan xaqiijiyey.
Koofi ayaa sheegay wada hadal dheer kadib inay dowladda Norwar aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliya isla markaasna aysan arrintaan saameyn ku yeelan doonin Soomaalida dalkaas ku nool.
Taliyaha oo mar la waydiiyey tirade dowladaha aqoonsan Baasaboorka Soomaaliga ayaa sheegay inay arrintaas ku wadaan baaritaan balse wuxuu sheegay in Qaaradaha Africa iyo Aasiya guud ahaan laga aqoonsaday.
Sidoo kale wuxu sheegay marka la fiiriyo qaaradda Yurub inay Baasaboorka Soomaaliya aqoonsan yihiin dowladaha Faransiiska, Talyaaniga iyo Norway oo hadda kusoo biirtay, wuxuuna xusay in hadda wada hadal lagu jiro dowladda Ingiriiska.
Taliyaha ayaa dhanka kale sheegay inay ku dadaalayaan inay baasaboorka Soomaaliya ku qanciyaan dowlado ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Canada.
Haddaba halkaan hoose ka dhageysi Wareysiga uu Koofi siiyey Idaacadda VOA


Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Dowladda Norway oo si rasmi ah u aqoonsatay Baasaboorka Somalia

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.