Dowladda Soomaaliya oo beenisay warbixin lagu baahiyay jaraa’idka Indian Ocean Newsletter

0
261

Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay warbixin uu baahiyay jaraa’idka Indian Ocean Newsletter ee faafiya wararka sirdoonka oo lagu magacaabo Africanintelligence.com, kaasoo 21-kii bishan daabacay warbixin ciwaan looga dhigay dagaalka adag ee ay la kulmeyso dowladda iyo walaaca Beesha Caalamka.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa been abuur lagu tilmaamay wararka uu baahiyay jaraa’idkan.

Warbixinta lagu qoray wargeyska ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu kulan 3 diblomaasi ah kula yeeshay Hargeysa, waxeyna warbixintan ku sheegeen in looga hadlay sumcada ganacsato Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Axmed Yuusf ee Hormuud, Cabdirashiid Ducaale ee Dahabshiil iyo Maxamed Yuusuf ee Salaama Bank.

“Dowlada Federaalku waxey caddeyneysaa inuusan dhicin kulan looga hadlayey sumcada iyo sharafta shaqsiyaadka kor ku xusan”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta

“Dowlada Federaalku waxey welwel ka qabtaa maqaalkan oo ujeedo guracan laga lahaa loogu danlahaa in lagu xumeeyo xiriirka wanaagsan ee Dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed. Dowlada Federaalku waxey cadeyneysaa in Ganacsatada Soomaaliyeed ay door weyn ka qaataan dadaalada Dowladda ee soo celinta amniga iyo nabadeynta iyo horumarka dalka”

Hase ahaatee labo maalin kaddib markii uu soo baxay warbixinta ayaa Hey’addaha ammaanka dowladda waxay ku dhawaaqeen amaro culus oo ka dhan ah Ganacsatada, iyagoo ku eedeeyay ganacsatada inay lacago baad ah siiyaan Al-Shabaab.

Warbixinta lagu qoray jaraa’idka iyo amarada ka soo baxay hey’adaha ammaanka ee ka dhanka ah Ganacsatada ayaa shaki weyn keenaya, marka la eego sida warbixinta u qorneyd, eedeymaha ganacsatada loo jeedinayay, iyo maalmo kaddib go’aanadii ka soo baxay Hey’addaha ammaanka.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.