Dowladda Soomaaliya oo dalka ka cayrisay wakiilka QM, Nicholas Haysom

0
358

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba sheegtay in dalka uusan ka shaqeyn karin wakiilka ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, kadib markii la sheegay inuu jibiyay madax banaanida dalka.Warqad qoraal ah oo kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ku wargelisay Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay in aan wadanka laga rabin, kana shaqayn karin Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nicholas Haysom.Wasaaradda ayaa sheegtay in go’aankani uu salka ku hayo ka dib markii uu si cad u jebiyey hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa xafiiska qaramada midoobay ee Soomaliya, si bareer ahna u fara geliyey madaxbanaanida dalka.Arrintan ayaa timid kadib markii Haysom uu soo saaray warqad uu wasaaradda amniga kaga dalbanayo in lagu cadeeyo hanaankii loo maray xariga Roobow iyo dadkii lagu dilay magaalada Baydhabo.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Dowladda Soomaaliya oo dalka ka cayrisay wakiilka QM, Nicholas Haysom

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.