Duqeymo lala beegsaday goob ay munaasabad uga socotay kooxda Shabaab iyo kolonyo galbinayey ajaanib

0
710

Jilib (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo is xig xigay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degaano ka tirsan gobalada Jubada Dhexe iyo Bay ee Koonfurta Soomaaliya.
Saraakiil ka ciidamada amniga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in duqeymihii ugu dambeeyay ay geesteen khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Duqeynta hore ayaa ka dhacday degaanka Buula Fuulay oo ka tirsan gobalka Bay, waxaana lala eegtay mas’uuliyiin ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay in ay isugu jiraan saraakiisha hogaamisa Jabhadda dagaalada tooska ah ee Al-Shabaab iyo masuuliyiin kale.
Isla xiliga ay duqeynta ku socotay degaanka Buula Fuulay ee gobalka Bay, waxaa sidoo kale ay duqeyn ku socotay degaanka Salage ee gobalka Jubada Dhexe, sida ay saraakiisha dowladda noo xaqiijiyeen.
Duqeynta Salagle ayaa la sheegay in lagu qaaday goob ay maalmahaan tababar ama Dowro ay Al-Shabaab ugu qabanayeen masuuliyiin dhanka ciidamada qaabilsan waxaana jira qasaaro dhimasho oo aan wali tiradooda la shaacin.
Saraakiisha Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeymaha ay ku dhinteen saraakiil muhiim u ahaa, gaar ahaan saraakiil u qaabilsanaa dhanka Howl-galada iyo dagaalada tooska ah ee lagu qaado xarumaha ciidamada.
Degmada Jilibna Duleedkeeda waxaa lagu soo waramayaa in lagu Duqeeyay Konlayo Ciidan oo usocodey dhanka Degmada Bu’ale kuwaas oo lasheegey in ay galbinayeen dagaal yahano Ajanabi ah iyo Amiiro katirsanaa hogaanka sare Al-Shabaab.
Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa xoogeestay duqeymaha diyaaradaha oo ay fuliyaan diyaaradaha Mareykanka iyo kuwa kale ee reer Galbeedka.
Mareykanka ayaa maalmo ka hor sheegay in ay duqeyn ay ka fuliyeen gobalada Jubooyinka ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.




SOURCE: Duqeymo lala beegsaday goob ay munaasabad uga socotay kooxda Shabaab iyo kolonyo galbinayey ajaanib

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.