Duqeyn ka dhacday deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe

0
4

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa duqeyn ka geystey deegaanka Dujuma oo ku dhow degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeyntan ayaa la sheegay in lagu diley mid ka mid ah saraakiisha ururka Alshabaab iyadoo aan wax qasaare ah soo gaarin dad rayid ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu xaqiijiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey degmo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

War Saxaafadeed ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in Maraykanka uu horumar ka gaarey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,isla markaan ay awoodi waayeen inay weeraro fuliyaan.




SOURCE: Duqeyn ka dhacday deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.