Duqeyn lagu dilay ajaaniib ka tirsan Al Shabaab oo ka dhacday Jubbada Hoose

0
70

Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Jubbada Hoose, duqeyntaasi oo lala eegtay saldhig ciidamada Al Shabaab ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose.Duqeynta ayaa ka dhacday deegaan hoostaga degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana saraakiisha maamulka Jubbaland ay sheegeen in duqeyta ay waxyeelo kasoo gaartay saraakiil ka tirsan Al Shabaab.Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Maamulka Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen, ayaa sheegay in duqeynta si gaar ah loola eegtay saldhig ciidamada Al Shabaab ku tababaranayeen oo ku yaala Jubbada Hoose.Sarkaal u dhashay dalka Kenya oo ka tirsanaa Al Shabaab ayuu sheegay Afhayeenka in lagu dilay duqeynta ka dhacday duleedka degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Hoose.Sidoo kale waxa uu sheegay in Maamulka Jubbaland uu ku howlan yahay baarista duqeyn Xalay lala eegtay Saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin tuulooyin hoostaga degmada Bu’aalo oo uu sheegay in qaarkood gawaari lagu gubay.Al-Shabaab dhankooda weli kama hadlin warkaan kasoo yeeray Wasaaradda Amniga Jubbaland taas oo ku aadan in duqeyn ka dhacday tuulooyin hoostaga degmada Bu’aale khasaaro lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.Duqeynta ayaa kusoo aaday iyadoo Al Shabaab muddooyinkii u dambeeyay ay kordhiyeen weerarada ay la eeganayaan saldhiga ku yaala gobolada Dalka.Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com




SOURCE: Duqeyn lagu dilay ajaaniib ka tirsan Al Shabaab oo ka dhacday Jubbada Hoose

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.