Eng. Yariisow oo cabasho ku saabsan faya-dhowrka Caasimadda u diray Hay’adaha Caalamiga ee ku sugan Muqdisho

0
622

jowhar Somali News Leader
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa qoraal uu u diray Xafiisyada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ee Muqdisho, waxa uu si kulul ugu cambaareeyey falalka ka dhanka ah faya dhawrka iyo badbaadada deegaanka oo Xafiisyadaas ay kula kaceen xeebaha Muqdisho.
Guddoomiye Yariisow ayaa iftiimiyey dadaallada joogtada ah ee ay ku bixinayaan Maamulka Gobolka Banaadir ilaalinta bilicda iyo faya-dhawrka Caasimadda, isagoona sheegay in ay jiraan labo goobood oo loo qorsheeyey maareynta qashinka, ayna si adag ula xisaabtamayaan cid kasta oo meel kale ku daadisa qashinka.
Eng. Yariisow ayaa sheegay in Hey’addo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ee ku sugan Muqdisho ay si khaldan qashin ugu shubaan xeebaha magaalada, taasi oo dhibaato xoogan ku heysa shacabka gobolka iyo badqabka deegaanka.
“Qashinka lagu daadinayo xeebaha Muqdisho waxaa uu dhibaato weyn ku hayaa kheyraadka Badda, iyadoona dad fara badan oo nolol ka raadsan jiray kheyraadka badda ay dhibaatooyin la kulmaan, waxaana isa soo taraya cabashada ay shacabka ka muujinayaan Qashinka faraha badan ee lagu shubo xeebaha, waana in si dhab ah loo qaataa cabashada shacabka” Ayaa lagu yiri Qoraal uu Duqa Muqdisho u diray Xafiisyada UN-ka iyo AU-da.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay gacan ka gaysanayaan xal u helista caqabadaha faya dhawrka ee ay ka cabanayaan Xafiiyadaasi, balse looga baahan yahay in ay iyagu masuuliyad iska saaraan ilaalinta deegaanka iyo badqabka dadka Soomaaliyeed ee ay gurmadka iyo garab istaagga ugu yimaadeen.
Sidoo kale, Guddoomiye Yarisow waxa uu xasuusiyey Xafiisyada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ee Muqdisho qorshe arrinkan ku saabsan oo ay horey ugu soo bandhigeen sidii wax looga qaban lahaa arrinkaas, iyadoona ay ahayd in madaxda Xafiisyadaas ay mudnaan siiyaan qorshahaas.

The post Eng. Yariisow oo cabasho ku saabsan faya-dhowrka Caasimadda u diray Hay’adaha Caalamiga ee ku sugan Muqdisho appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Eng. Yariisow oo cabasho ku saabsan faya-dhowrka Caasimadda u diray Hay’adaha Caalamiga ee ku sugan Muqdisho

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.