Erdoga oo xilka ugu muhiimsan dalkiisa la gaclooday wiilka uu soddoga u yahay & Sababta magacabida oo la ogaaday

0
301

Istanbuul (Caasimada Online)-Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa magaalooyinka Ankara iyo istanbuul Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wasiirka maaliyadda dowladiisan cusub u magacaabay wiilka uu soddoga u yahay.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa dowladiisa cusub ku dhawaaqay saacada un kadib markii loo dhaariyay jagada Madaxweyninimo.
Erdogan, ayaa magacaabida wiilka uu soddoga u yahay u arka mid ka saareysa dhaqaalaha dalkiisa oo hoos uga dhacay halkii uu horay u taagnaa.
Recep Tayyip Erdogan, ayaa xilkaasi dib ugu guuleystay bishii aynu soo dhaafnay. waxa uu sheegay in uu meesha ka saaray hab wadanka ka ragaadiyay dhan kasto hadii ay ahaan lahayd dhanka siyaasadda ama dhaqaalahaba.
Docda kale, dhinacyada mucaaradka ee isaga ka soo hor jeeda ayaa ka cabsi qaba in habkaan cusub uu bur-burin doono dimuqraadiyadda Turkiga.
Caasimada Online
Xafiiska Istanbuul
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Erdoga oo xilka ugu muhiimsan dalkiisa la gaclooday wiilka uu soddoga u yahay & Sababta magacabida oo la ogaaday

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.