Ereyadii uu qorigiisa ku dul qoray ninkii muslimiinta ku laayey masjidka oo la sharxay

0
262

Muqdisho (Caasimadda Online) – Weerarkii lagu dilay 49-ka qof muslimiinta ah ee wadanka New Zealand ayaa jawaab celinno kala duwan laga bixiyayNinkii fuliyay weerarkii bahalnimo ayaa faafiyay waxa uu ka tarjumayo weerarka oo gabigiisa ku meeraysanayay sidii dadka muslimiinta ah looga saari lahaa qaaradda Yurub, ka hor intii uusan weerarka fulin ayuu baraha internetka ku faafiyay qoraal dhowr Page ka kooban oo uu ku sheegayo in uu muslimiinta gummaadi doono.Brendon Tarant oo ah Ninka gummaadka ugu daran ugeystay muslimiinta  New Zealand ayaa qoraallo uu ku dul qoray hubkii uu dadka ku laayay wuxuu ku muujiyay halka uu salka ku hayo dagaalka u dhaxeeyo muslimiinta iyo gaalada wuxuu soo hadal qaaday Dagaalkii Vienna ee ay ku hakadeen futuuxaadkii dowladdii islaamiga Cuthmaaniyiinta ee dhanka qaaradda Yurub xilligaas oo saliibiyiintu ahaayeen kuwa weeraro kala kulmayay muslimiinta.Sidoo kale Ninka muslimiinta ku laayay wadanka New Zealand ayaa qoraalka uu hubkiisa ku qoray wuxuu ku xusay Dagaalkii Buwaatiyeeh ama Balaadu Shuhaddaa ee dhacday sanaddii 114-kii Hijriga ee muslimiintu ay damceen in ay ku furtaan wadanka hadda loo yaqaan Faransiiska wuxuuna qoraaladiisa ku bidhaaminayay sida uu soo jireen u yahay siraaca udhaxeeya gaalada iyo muslimiinta.Brendon Taran ayaa soo qaatay magaca  Nin sanaddii 2017 dad muslimiin ah ku laayay masjid kuyaal magaalada Kibeek ee wadanka Canada iyo Nin kale oo isna dad muslimiin ah ku dilay wadanka Sweden ee qaaradda Yurub.Weeraradan oo ahaa kuwa mataana ah ayaa ka kala dhacay  laba Masjid oo kala ah Al Nuur iyo  Lindwood balse dhimashada ugu badan waxay ka dhacday masjidka Al Nuur oo ah isku imaatinka ugu weyn ee muslimiintu ku leeyihiin wadanka New Zealand.Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com

{$inline_image}


SOURCE: Ereyadii uu qorigiisa ku dul qoray ninkii muslimiinta ku laayey masjidka oo la sharxay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.