Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo la kulmay Madaxweynaha Puntland

0
8

Wafdi uu hoggaaminayo ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guu ee Qaramada Midoobay James Swan oo booqasho ku tegey magaalada Garowe ayaa la kulmay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Wafdiga uu horkacayay James Swan ayaa waxaa ka mid ahaa xubno ka socda Midawga Yurub, Midawga Africa iyo urur goboleedka IGAD.

Kulanka intii uu socdey ayaa waxaa looga hadlay Doorashada Soomaaliya 2021, Amniga, Dayn Cafinta Soomaaliya iyo Dhammaystirka Dastuurka KMG ah ee DFS.

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa booqashada uu ku tegey maanta magaalada Garowe waxa ay qeyb ka ahayd booqashooyin uu ku tegeyay xarumaha dowlad goboleedyada dalka.

Waxa uu hore u soo booqday magaalooyinka Jowhar,Baydhabo iyo Kismaayo isagoo kala hadlay madaxda maamuladaas arrimaha doorashooyinka qaran ee 2021.






SOURCE: Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo la kulmay Madaxweynaha Puntland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.