Ethiopia Airlines oo dhowaan soo bandhigeysa warbixin hordhac ah ee diyaaradii burburtay

0
300

jowhar Somali News Leader
Wasiirka Gaadiidka dowlada Ethiopia ayaa shaaciyay in warbixin hordhac ah oo ku saabsan diyaaradii burburtay ee Ethiopia Airlines 10ka bishii Maarso ayna ku dhinteen157 ruux la shaacin doono dhowaan.
Hase yeeshee ma jiro xilli go’an oo lagu soo bandhigayo warbixintan sid ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters.
Warar la helay toddobaadkii hore ayaa sheegaya in cilad ku timid diyaaradda ay sababtay burburka diyaaradda.
Cilad gashay hannaanka MCAS loo soo gaabiyo ee diyaaraduhu ku shaqeeyaan ayaa sidoo kale lagu eedeeyay mashaakilka diyaaraddii burburtay bishii Oktoobar ee ay lahay shirkadda diyaaradaha Lion Air ee dalka Indonesia laga leeyahay.
Shirkadda nooceedu yahay Boeing 737 Max ayaa soo dhacday wax yar ka dib markii ay ka duushay garoonka Jakarta, waxaana ku dhintay 189 ruux.
Dhammaan diyaaradaha noocoodu yahay Boeing 737 MAX ee dunida oo dhan ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii ay qaraxday diyaaraddii Itoobiya.
The post Ethiopia Airlines oo dhowaan soo bandhigeysa warbixin hordhac ah ee diyaaradii burburtay appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Ethiopia Airlines oo dhowaan soo bandhigeysa warbixin hordhac ah ee diyaaradii burburtay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.