Ethiopia : Khilaafka madaxda Itoobiya iyo Shirkii EPRDF oo meel xaasaasi ah maraya

0
555

Waa la ismari la’yahay. Arimaha ugu waa wayn ee la isku haysto waa cidda leh masuuliyadda xaaladda dalku galay. Axmaarada iyo Oromaddu waxay ku eedeeyeen Tigreega oo sad bursi ku haysta hay’adaha nabadgalyadaa sida ciidanka iyo sirdoonka oo ay leeyihiin waa in la idinla yeesho. Tigreegi waxay leeyihiin Axmaaro iyo Oromo ayaa u saba ah dhibka jiree isa soo saxa oo dib isu qiimeeya. (Yacni meesha ha nagu qabsaniinee wixii kale ee aad rabtaan noo sheega).

Waxaa aflagaado iyo wax ku dhow dhex maray Madaxweynaha Oromadda Lemma Megersa iyo Abay Tsehaye oo TPLF ka tirsan. Waxaa kalee oo Oromaddu ay weerartay Raisal-wasaaraha oo ay ku eedeeysay inuu iska fadhiyo oo Tigree ku dul shaqaysanayo.

Taliya sirdoonka qaranka oo wuxuu soo jeediyey in la kala diro gabi ahaanba guddiga fulinta ee EPRDF maadaama ay taladii dalka ku fashilmeen. Waxaa taa si wadajir ah uga diiday Axmaarada iyo Oromadda oo isku duuban.

4Waxaa kale oo la soo jeediyay in guddi dhexdhexaadin oo uu hoggaminayo General Tsadkan Gabretensai oo ahaan jiray abaanduula ciidamada qaranka (laakin hadda ah nin si badheedh ah u dhaleeceeya xisbiga talada haya oo ku taliya in mucaaradka dibada doorashooyin xor ah oo ay ka qayb qaataan la sameeyo) oo soo kala dhex galo. Taasna waxaa diiday Oromoada iyo Axmaarada.

Qaar ka mid gudiga fulinta TPLF oo magacyo kale Facebooga ku isticmaala (gaar ahaan Getachew Reda oo nin xagjir ah) wuxuu ilaa shalay weerar ku ahaa madaxweynaha ku-xigeenka Oromadda Dr. Abiye Ahmed oo ay u arkaan ninka fikirka kacdoonka Oromadda maskaxda u ah. Wuxuu Getachew soo qoray “Lemma Megersa waa nin fiican oo aaminsan federalismka. Laakin waa la marin habaaninayaa. Maska OPDO ku dhex jira oo ah Dr. Abiye Ahmed hadii laga qabto Lemma waa lala shaqayn karaa. Oromaddu waxaa la sheegay inay tidhi Lemma iyo Dr. Abiye isku meel bay ku dhimanayaan.

(Faallo: arintaa waxaan u arkaa inay laba ujeeddo leedahay. Mid waa run oo ninka maskaxda u ah kacdoonka Oromadda ee afkaarta u curiya Lemma Megersa waa Dr. Abiye. Tan kale maadaama uu muslim yahay waxaa laga yaabaa inay rabaan in Oromadda kiristanka ah inay rabaan inay xoojiyaan oo kuwa muslinka ah ay cadaadiyaan sidaana ku kala qaybiyaan).

Aakhirka in la is xidhxidho iyo xoog inay ku dhamaataa laga yaaba; kacdoonkuna cirka isku shareero hadaan reer galbeed soo kala dhex galin. Hadii Oromada laga adkaado in la raaligaliyo ayey noqon oo inaga subag inooga soo daadan maayo meeshaas.

Qalinkii: Mustafa Omer.

AFEEF : Xogtaan iyo Faallada la socotaba waxa aay gooni utahay, Mustafa Omer. kama turjumeyso aragtida Baaritaan.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.