Ethiopia oo Shaacisay Go’aan la xiriira Shidaalka laga helay deegaanka Soomaaliya

0
269

Jigjiga (Caasimada Online)-Dowladda Ethiopia ayaa shaacisay in muddo seddex sano ah lagu soo gabogabeynayo qorshaha soo saarista Shidaalka laga helay deegaanka Soomaalida, kadibna la bilaabi doono iibinta shidaalkaasi.Waxay taasi ka dhigan tahay in seddex sano kadib dowladda Ethiopia ay bilaabeyso dhoofinta Shidaalka laga helay deegaanka oo tijaabooyin kala duwan maraya.Agaasimaha waaxda maamulka shatiyada shidaalka ee wasaaradda Macdinta Qasala Tadese ayaa shaacisay in ka hor inta aan lasoo saarin shidaalka in marxalado kala duwan la marayo, kadibna uu bilaaban doono iib geynta shidaalkaasi.Waxay sheegtay “in la qodayo boqollaal ceel oo kale isla-markaana la fulinayo mashaariic waaweyn oo dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha ah oo fududeynayo shidaalka in muddada looga tala galay dalku uu ku soo saaro.”Qasale Tadese, ayaa sidoo kale sheegtay inay baaritaan shidaal ka bilaabi doonaan deegaano kale oo Ethiopia ka tirsan, islamarkaana an lagu ekaan doonin kaliya deegaanka Soomaalida.Ilaa iyo hadda waxaa shidaal laga helay shan qaybood oo dalka Itoobiya ka mid ah sida Rift Valley, Abbay, Mekelle, Metema iyo Gambella balse waxaa marki ugu horreysay shidaal laga soo saaray Deegaanka Soomaalida qaybo ka mid ah tijaabadi la sameeyeyna lagu guuleystay.Dr Aby Axmed ayaa horey u shaaciyay in Ethiopia ay shidaal badan soo saari doonto, taasi oo dhaqaalaha qeyb weyn ka qaadaneyso, waxaana la qorsheynayaa in maalintii lasoo saaro 450 Fuusto oo shidaal ah.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Ethiopia oo Shaacisay Go’aan la xiriira Shidaalka laga helay deegaanka Soomaaliya

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.