Faaah-faahin: Waa maxay shaqada guddiga cusub ee Muqdisho lagu dhisay?

0
292

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay dhiseen guddi xoojiya tayada iyo tirada waxyaabaha dalka yaalla.Guddigan ayaa ganacsatada kala shaqeyn doona sidii wax soo saarka dalka loo tayeen lahaa looguna heli lahaa Suuq wanaagsan.“Waxaan halkaan ku dhisnay gudi runtii aad iyo aad loogu baahan yahay oo in badan talooyinka nooga yimid ganacsatada ee ku howlan dhoofinta wax soo saarka Soomaaliya gaar ahaan kuwa beeraha, kalluunka iyo xoolaha”Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in guddigan loo dhisay iney u kuur galaan wax soo saarka dalka iyo sidii tayadooda loo hagaajin lahaa looguna raadin lahaa suuq ka baxsan wadanka iyaga kaashanaya dowladda.“Waxa ay shaqadoodu tahay  iney u kuur galaan wax soo raarka dalka sidii tayadooda loo hubin lahaa iyo suuqyo lageeyo, sidoo kale waa in la hagaajiyaa sidii wax soo saarka gobollada ay is ku dhaafsan jireen madaama waddooyinkii ay burbursan yihiin, waxaad arkaysaa gobol wax soo saarkii ku  jaban yahay mid aad u sareeyo taasna waa in guddiga ay xil iska saaraan sidii dalku wax soo saarka gudaha uu wadanku u xoojin lahaa”Ugu danbeyn wasiirka ayaa xusay in ganacsatada ay waajib tahay iney la shaqeeyaan guddigaan ay aas-aastay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha si wax soo saarka dalka uu u noqdo mid tayo iyo tiraba ka yeesho suuqyada  caalamka ee loo iib geeyo.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Faaah-faahin: Waa maxay shaqada guddiga cusub ee Muqdisho lagu dhisay?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.