Faah-faahin: Dabkii caawa ka kacay suuqa Bakaaraha

0
384

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa caawa dab uu ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.Si dhab ah looma oga waxa dhaliyay dabka, waxaana marqura laga war helay goobo ganacsi oo olol iyo uuro ka baxeyso.Dabka ayaa ka bilowday Dabaqa Al-Khaliij oo ku dhex yaalla Suuqa Cabdalla Shideeye, sida qof kamid ah dadka suuqa uu Caasimada Online u sheegay.Qaar kamid ah dadka ku ganacsada Suuqa Bakaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay in dabka uu ku koobnaa Goobo ganacsi, khasaaraha uu geystayna uu yahay mid maaliyadeed.Gawaarida Dab damiska ayaa tagay goobta oo ku guuleystay in ay damiyaan dabka, si uusan usii gaarin goobaha kale ee Suuqa.Goobjoogayaal ayaa sheegay in Ciidamada dowladda waxa ay xireen agagaarka goobaha ganacsi ee gubtay, si ay u ilaaliyaan hantida.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Faah-faahin: Dabkii caawa ka kacay suuqa Bakaaraha

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.