|

Faahfaahin cusub oo laga bixiyey qaraxii Muqdisho iyo khasaraaha + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo maanta ku qarxay afaafka hore Kaalin Shidaal oo ku taalla agagaarka Xaruntii hore ee Baarlamaanka.Laba Qof ayaa ku geeriyootay shan kalana way ku dhaawacantay Qaraxaasi sidda uu warbaahinta u sheegay Gudoomiye ku xigeenka dhanka Ammaanka gobolka Banaadir.Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in ay waddaan baaritaano iyo howlgallo, islamarkaana qaraxaasi uu ahaa mid si hoose goobta loo soo galiyay.Gaariga qarxay ayaa yaalay goobta gaadiidka la dhigto ee Kaalinta, waxaana qaraxa gaariga uu saameeyay goobta Kaalinta Shidaalka oo dab uu qabsaday.Lama oga cidda meesha dhigtay gaarigaasi kadibna ka tagtay iyo cid si rasmi ah loola beegsaday qaraxaas, inkastoo Booliska oo meesha tagay ay wadaan baaritaan.Hoos ka dhageyso Tuulax https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/tuulax.mp3 Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com




SOURCE: Faahfaahin cusub oo laga bixiyey qaraxii Muqdisho iyo khasaraaha + Sawirro

Leave a Reply

DAAWO WAREYSIGA MADAXWEYNAHA

Recently Commented

  • Abdulqadir Tallman: Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay aas Qaran oo loo sameysay Saraakiishii lagu dilay nawaaxiga...
  • Abdulqadir Tallman: Yaa qaadanaya lacag ay soo daabaceen Farmaajo iyo qashinka ku hareereysan? Yaa tuugo ku aaminaya...
  • Abdulqadir Tallman: Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in baaritaan ay ku wadeen xafiiska Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda...
  • Abdulqadir Tallman: Ololaha uu waayadan ku hayay Raiisulwasaare Kheyre baa halkaa la galy ee Farmaajo isaga iyo...
  • Mohamed Ali Hassan: Application