Faahfaahin ka soo baxaysa mid kamid ah salaadiinta Puntland oo lagu diley Boosaaso

0
63

Alle ha u naxariisto Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo ka mid ahaa isimadda Puntland ayaa nin hubaysan ku dhex dilay masjid ku yaal Magaaladda Bosaaso.
Ninka dilka geystey oo ku hubeysnaa bastoolad ayaa ku dhex toogtay suldaan Bashiir kahor inta aan la galin salaadii Jimcaha ee maanta.
Dilkan oo ka dhacay Masjidka Mubaarak oo ku yaal xaafada Laanta Hawada ee magaalada Boosaaso ayaa noqday mid aad looga argagaxo maadaama qof nabadoon ah oo lagu dhex diley masjid maalin jimce ah.
Ninka dilka geystey ayaa la sheegay inuu baxsaday kadib markii uu dad isku dayay inay qabtaan uu ku tuuray Bam gacmeed hase yeeshee lama sheegin wax qasaare ah oo uu geystey bamkaas.
Allaha u naxariistee Suldaan Bashiir Muuse Koonte waxa uu ka mid ahaa isimadda sida weyn looga yaqaan Puntland, gaar ahaan gobolka bari oo uu degaan ahaan ka soo jeedo.
The post Faahfaahin ka soo baxaysa mid kamid ah salaadiinta Puntland oo lagu diley Boosaaso appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Faahfaahin ka soo baxaysa mid kamid ah salaadiinta Puntland oo lagu diley Boosaaso

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.