Faallo :-Gal-mudug malagu Heshiiyay, Mise waa lagu kala Fogaaday ?

0
466

Heshiiskan ayaa ah Mid mar walba La filan karay inuu dhaco Maadaama Maamulkii Culimada Ahlu-sunna ee Gobolada dhaxe uusan isku haaysan sidii hore , islamarkaana sidii hore oo kale aysan laheyn amarro meel ku dhag ah.

Inkastoo Hishiiskan dhacay ay kasoo bixi karaan dul-duleello hashu ay maqaarka ku diidi karto , haddana waxa uu  u ahaa Shacabka kunool Galgaduud iyo qeybo ka mid ah Mudug ,  mid u muujinayo rajo weyn iney qabaan , maadaama ay ku jireen dib u dhacyo Maamul oo balaaran.

Heshiiskii ay labada dhinac saxiixaan

Maamulka Madaxweyne Xaaf ayaa qudhiisa waxa uu heshiiskan u yahay Qodax ku taagneyd oo ka siibantay , maadaama Shiikh Shaakir iyo Xertiisa Maamulka Sunada ay gacanta ku haaysteen Caasimaddii Maamulkiisa ee Dhuusa-mareeb.

Qodobada Heshiiska ayaa waxaa ka muuqanyo jagooyin aysan laheyn Maamul Goboleedyada Dalka sida Madaxa Golaha Wasiirada oo heshiiskii la gaaray ku cad, Qodobkaan waxa uu wiiqayaa Awooddii Madaxweynaha Galmudug uu lahaa , Laakiin waxaa la is weydiin karaa Cidda Soo magacaabeyso Golaha Wasiirada ee Maamulkaasi Mustaqbalka?

.Dhinaca wax-yaabaha la-isweydiinayo ayaa waxa ay sidoo kale noqoneysaa sida loo kala xadidi doono , Madaxweyne ku xigeenka iyo Hoggaamiyaha Cusub ee Golaha Wasiirada Maamulkaasi?.

Awood qeybsiga Maamulada Soomaaliya ka jira ayaa waxa uu ku saleysanyahay Hab beeleed , waxaa heshiiskan Maanta dhacay sidoo kale ka imaan kara Saluug Beelaha qaar ay sameeyaan , Maadaama Madaxweyne Xaaf iyo Shaakir ay Labada Beel kaliya kasoo wada jeedaan.

Si kastaba Gal-mudug Heshiiskan Khilaafkii ragaadiyay laga gaaray mar waa arrin Bogaadin leh, Marna waa Sheeko foolan karta Khilaaf Cusub.

Baaritaan News Desk

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.