Faallo: Gilgilka gobolka iyo gama’sanaanta Somalida

0
353

Mahad Idaylkeed Alle Ayaa iska Leh ,Marka xiga waxaan salaan Hawada Umarinaya Idil Ahaan Ummada Soomaliyeed Ee  Af, Dhaqan, Dhalasho iyo dhiig wadaagta ah.
Salaan kadib waxaan Jeclahay inaan Maanta si qotodheer u lafa-guro Isbadalka ugub ee ka Curtay Gobolka Bariga Africa oo ay ugu Horayso Dalka Ethiopia.
Sida aan wada ogsoonahay Mudo aan dheerayn waxaa Ethopia ka dhacay Isbadal Siyaasi ah oo saamayntiisa wata ,waxaa hogaanka dalka qabtay Abid Markii ugu Horaysa Taariikhda Nin kasoo Jeeda Qowmiyada Ugu Tiro badan dalka ethopia.
Abiy Ahmed ayaa noqday Raysaal Wasaaraha Ethopia ,Bar bilowgii Xukunkiisa Wuxuu qaaday talaabooyin dardar leh oo aan looga baran Maamuladii Isaga kala danbeeyey Talada dalka ethopia,talaabooyinkaas oo ay ugu Mudan Yihiin Kala diridii Haraadigii Maamuladii dhiig yacabka wada ahaa shaksiyadkoodii awooda iyo saamaynta ku dhex lahaa awooda siyaasadeed ee dalka, wuxuu si shuruud la,aan ah ooda uga ragay Maxaabiistii buux dhaafisay xabsiyada wadanka ee sida Xaq-darada ah u xirnaa,wuxuu daah furay siyaasad cusub oo ku dhisan is qancin iyo wada xaajood,wuxuu liiska Argagixisada ka saaray Jabhadii Hubaysnaa oo ay kamid tahay Jabhadii xornimo doonka ahayd ee ONLF.
Wuxuu sidoo Kale qaaday taalaabooyin Diblomaasiyadeed oo cul-culus sida wada-xajoodyada uu La galay wadama Soomaliya,Ereteria iyo Masar oo dhamaantood saamayntooda siyasadeed leh.
Isbadalka iyo Ifaafalaha wanaagsan ee kasoo muuqday Ethopia waxay Abuurtay Rajo wayn oo ah in Bariga Africa ay noqon karto meel xasiloon siyaasad ahaan iyo dhaqalo ahaanba.
Soomalida Iyo Isbadalka Ethopia?.
Taarikhiyan waxaa Jiray dagaal qotodheer oo udhaxayn Jiray Qowmiyada Soomalida iyo Qowmiyada xabashida oo iyagu waligood Majaraha uhayay ethopia walow labatankii sano ee u danbaysay ay kusoo biirtay qowmiyada tigreega oo iyaguna mudadaas hogaanka wadanka hayay ,dagaaladaas waxay dad badani ufasirteen mid udhaxayn jiray ethopia iyo soomaliya xaqiiqaduse waxay tahay in labadaas qowmiyadood iyo soomalidu ay is hayeen.
Taarikhiyan Waligeed Xabashi iyo tigree toona ma qabsan dhul soomaliyeed oo kama talin,waxaase caawiyay gumaystihii ingiriiska oo dhulka hada loo yaqaan Ogaadeenya ugacan geliyay.
Waxa jira Xeerar Caalaamiya oo dhigaya inaan xuduudihii gumaystaha waxba laga badalin si looga baaqsado dagaalo ,taas oo la micno ah in dhulka waqooyi galbeed ama Ogadeenya ay wadan ahaan yihiin ethopia haba ahadaan isir ahaan soomaliye.
Tan iyo Maalinkii Gumaystihii Ingiriisku ka baxay africa waxay dawlada ethopia ee hogaankeeda uu meertada u ahaa tigreega iyo xabashidu gumaad iyo gumaysi ku hayeen dadka ku nool dhulkaas oo ay rabeen inay xoog ku itoobiyaaneeyaan, waxaa gobolka Waqooyi galbeed ka dhacay xasuuq si bahalnima ah loogu dabar goynay dadka soomaliyeed ee halkaas ku nool.
Dadkii waxay noqdeen wax la dilo,waxa cararra ,wax hubka qaata oo duurka gala,wax la xiro iyo wax gumaysiga qaayiba.
Wixii dhacay waa dhaceen oo waa hubaal in la isaga daba iimaan doona oo laga xisaab tami doona dulmiga iyo darxumada loo gaystay dadka soomaliyeed ee gobolkaas ku nool.
Hadal iyo dhamaan wajigii ethopia aan ku naqiinay waxaad mooda inuu is badalay, dawlada soomaliya waxaa laga  rabaa in ay uga faa,idayso isbadalka ka dhacay ethopia dadkeeda laba siyaabood;
1- Dawlada soomaliya waa inay xooga saartaa sidii ay u baabi,n lahayd faraglinta siyaasadeed ee ay caadada u lahayd ethopia inay soomaliya ku samayso, isla markaasna  aynu u noqon lahayn laba wadan oo xor ah oo daris wanaag kuwada nool.
2- Dadka Soomaliyeed ee ku nool Gobolka waqooyi galbeed in xuquuqdooda iyo xornimadooda lala raadiyo oo si buuxda loo garab istaago oo la tuso caalamka iyo ethopiyaba in dadkaas ay leyihiin dad iyo dal utaagaan ilaalinta sharaftooda iyo sumcadooda, lana qaado hadba talabadii macquul ah si loo xaqiijiyo rabitaanka dadkaas soomaliyeed ee ku nool gobolkaas.
F.G= waxaa mudan in laga digtoonaada dhagarta cadawga ee ku aadan iska horkeenida labada qowmiyadood ee walaalaha ah ee Oromada iyo soomalida si looga gashaanto dhaawac ku yimaada isbadalka cusub ee ka bilowday dalka ethopia.
W/Q: Abdikadir ibrahim Ahmed (Kambale)




READ MORE FROM THE SOURCE: Faallo: Gilgilka gobolka iyo gama’sanaanta Somalida

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.