Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo ka digey qaabka loo wajahayo doorashada qof iyo cod

0
5

Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdqaadir oo ka mid ah
xildhibaanada  Baarlamanka Federalka oo
maanta ka hadlayay kulanka baarlamaanka ayaa ka digey qaabka loo qeybinayo deegaanada
laga soo dooranayo  xildhibaanada
Baarlamaanka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in aanan loo deyn guddi ama dowlad
qaabka loo kala xulayo deegaanada laga soo dooranayo xildhibaanada cusub isagoo
ku taliyay in Golaha shacabka uu arrintaas go’aan ka gaaro.

“Qoondeynta kuraasta deegaanada waa arrin qatar ah,waa arrin
khilaaf keeni karta, waa ariin sedbursi keeni karta,arrintaas waa in xeer
baarlamaan lagu soo saaro oo aan guddi loo dhaafin,”ayuu yiri xildhibaanka.

Annagu sabab doorashada dib loogu dhigi karo aan u sheegno
waa qalad,waa inaan albaabkaas la furin haddii albaabkaas la furo dad badan
ayaa ku qulquli kara.”ayuu yiri xildhibaan Faarax Sheekh.

Sidoo kale xildhibaan Faarax Sheekh Cabdqaadir  ayaa ku taliyay in kuraasta Aqalka Sare uu
Golaha  Shacabka xeer ka soo saaro.

Gabagabadii xildhibaan Faarax Sheekh cabdqaadir ayaa  ku taliyay in Maqaamka Muqdisho laga hadlo oo
go’aan kama dambeys ah laga gaaro.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa doodo kaleh sharciga
doorashooyinka qaran iyadoo doodadahana ay yihiin kuwo ay xildhibaanadu si
degen uga hadlayaan fikirkooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaran.




SOURCE: Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo ka digey qaabka loo wajahayo doorashada qof iyo cod

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.