FABINHO OO SADAX ARIN KA CAAWIN KARA LIVERPOOL XILI CIYAAREEDKA SOO SOCDA.

0
221

Waxaa saacado ka hor si lama filaan ah looga war helay in kooxda Liverpool saxiixeeda koowaad ee xili ciyaareedkan ay ka dhigay xidigii hore ee kooxda As Monaco Fabinho kaa oo loo arko in kooxda aysan ku dhibtoon soo xero gelinrtiisa.

Laacibkan ayaa durbadiiba waxaa xaaladiisa ka faaloonaya khabiiro sport oo xog badan ka haya qaab ciyaareedkiisa.

Jacques Santicci oo ah khabiir dhinaca ciyaaraha aadna u taageera koocda Liverpool ayaa waxaa uu si wayn uga hadlay Fabinho iyo waxyaabaha uu kusoo kordhin karo kooxda Reds.

Jacques Santicci waxaana waraysii uu bixiyay uu ku yiri”iyagu waxaa ay heleen ciyaartooy heer sare ah”khad dhexe oo si qaas ah uga ciyaara booska daafaca Midig,sidoo kalen aad boosas kale uga ciyaari kara,aad u dag dag badan,aad u xoogan,aad u dheer kaa oo mararka qaar la waayo.

“isaga waxaa uu ahaa mid kamid ah ciyaartooyda Monaco ugu fiicnaa sanadihii ugu dambeeyay,waxaa uu  qayb muhiim ah ka ahaa xidigaha kooxda garabka wayn ka siiyay soo gaarista 4 dhamaadka Champions Leage,

Waa Dookha klopp ciyaartooy ahaan maxaa yeelay xidigan ayaa ah mid qaab ciyaareedkiisa uu leeyahay soo jiidasho.

Maadaama boosas badan uu buuxin karo kooxdan ayaa waxaa ay u tahay fursad cusub oo ay uga maarmi karto dhibaatootooyinka mararka qaar kooxda boosaskeeda lasoo gudboonaan jiray.

Jacques Santicci aad ayuu u taageeraa Reds waxaana sida uu u qeexay xidigan laga dha dhasankaray in uu isagaba si waynula dhacsan yahay.

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.