FABIO CAPELLO”RONALDO WAA UU KA TAGAYAA REAL LABA KOOX MIDKOOD AYUU AADI DOONAA WAA KUWEE?

0
207

Khabiirka Sport Fabio Capello ayaa soo hadal qaaday mustaqbalka Cristaino Ronaldo iyo halka uu ku dambayn doono.

Inkastoo horay rajo xumi looga muujinayay mustaqbalka xidigan Reer Portugal ee Groonka Berna Bue hadana waxaa arintan holac kusii shiday kadib markii khamiistii aynu kasoo gudubnay uu ku dhawaaqay Tababarihii kooxdaasi in uu xilkaasi iska casilay.

Dad badan ayaa u arka in Cristiano ronaldo uusan sii joogi doonin Real sabab kastaba ha ahaato.

Fabio Cappelo ayaa qaba in Ronaldo uu u baqooli doono laba koox mudkood PSG ama Man united.

Waxaa uu si gaar ah farta ugu fiiqay in ay u badan tahay in laacibkan uu dib ugu laabto United si uu uga hoos ciyaaro Macalinkii hore Jose Mourinho.

PSG ayaa si waali ah u baadi goobaysa Xidigan halka sidoo kale United suuqii ugu dambeeyay isha ku haysay Ronaldo.

Waxii ka dambeeyay markii Real ay qaaday Champions Leage waxaa sii xumaanayay rajada laga qabo in Ronaldo kusii nagaado Los balancos.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.