Fadeexad: Uefa oo ogolaatay in Taageereyaasha ay Maandooriye lasoo gali karaan Garoomada.

0
117

Xiriirka kubadda cagta Uefa ayaa waxaa uu soo saaray sharci cadaynaya in taageereyaasha ay garoomada lasoo gali karaa Khamriga iyo waxii lamid ah marka ay socdaan kulumada xili ciyaareedka dhawaan bilaaban doona ee 2018-2019.
arinta oo ah mid si wayn looga hadal hayo guud ahaan caalamka ayaa waxaa qodobkan uu si gaar ah u cadaynayaa in Taageereyaasha Khamriga cabaya ay garoonka ku leeyihiin meel gaar ah oo aan wax kuraas ah oolin.

waxaana uu farayaa isla Jamaahiirta Qodobkan in hadii ay doonayaan in ay khamriga isticmaalaan ay mudo hore garoonka soo galaan si ay uga fogaadaan rabsho iyo Xaalad amni.
Ronan Evain waa Gudoomiyaha Ururka Taageereyaasha Kubadda cagta Yurup waxaa uu si wayn u soo dhaweeyay Talaabadan.
isaga intaa ku daray in horay cadaalad daro ay la kulmayeen Jamaahiirta Champions Leage maadaama sharciga mam nuucida muqaadaraadka uusan ka jirin ciyaarta Rugby-da.
waxaa jiray qodob u dagsanaa Uefa oo qeexayay in cidna aysan garoomada lasoo geli karin khamriga hase ahaatee waxaa muuqanaysa in qodobkaasi uu meesha ka baxay.




READ MORE FROM THE SOURCE: Fadeexad: Uefa oo ogolaatay in Taageereyaasha ay Maandooriye lasoo gali karaan Garoomada.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.