Faduma Dayib oo shaqadii QM uga tagtay cunsurinimo ka dhana Soomaalida (Video)

0
258

Muqdisho (Caasimada Online) – Faaduma Dayib oo horey musharax madaxweyne uga soo noqotay Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday inay uga tagtay shaqadii ay u haysay QM cunurinimo ka dhan ah dadka Soomaaliyeed.Faadumo Dayib, oo haysata dhalashada dalka Finland, ayaa ahayd agaasimaha QM ee Soomaaliya ka hor intii aysan xilkaas ka tegin bishii tagtay, sida ay ku shaacisay qoiraalk ay twitter soo dhiugtay toddabadii bishan.Faaduma ayaa sheegtay in saraakiil sare oo ka tirsan QM ay u sheegeen in qof Soomaali ah uusan u qalmin inuu dalka Soomaaliya ka qabto xil la mid ah kii ay ayada haysay, hadalkaas oo ay sheegtay in muddo badan ay dhagaheeda lagu dhibcinayey.“Waxay ii sheegeen in sababta kaliya ee shaqada noocan ah la iigu ogolaaday ay tahay inaan ahay Soomaali haysta dhalashada mid ka mid ah dalalka reer Galbeedka, ee aan xilkan qaban lahayn haddii aan haysan” ayay ku tiri qoraalka ay soo dhigtay twitter.Waxa ay si gaar ah u eedeyey isu-duwaha gargaarka bani aadannimo ee QM ee Soomaaliya Peter de Clerq, oo ay ku sheegtay inuu yahay nin liida oo neceb asalka Soomaaliga.“Muddo sanad iyo bar ah ayaan kun jira handadaad, bah-dilaad iyoi cabsi gelin” ayey tiri.Hoos ka daawo warbixin ku saabsan arrintan oo muqaal ah.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Faduma Dayib oo shaqadii QM uga tagtay cunsurinimo ka dhana Soomaalida (Video)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.