Fadumo Korneyl: Basaasadii Shabab ay ka dhex qoratay dowladda hoose ee Xamar ee shirqoolada badan fulisay

0
118

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Sshalay 15 sano oo xabsi ah ku xukuntay Faadumo Xuseen Cali balse loo yaqaan Faadumo Korneyl oo ka tirsaneyd ururka Al-Shabaab.
Faadumo waxay aheyd Shaqaale ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hooyooyinka Qaranka, waxaana lasoo xiriiray ururka Al-Shabaab oo ka dalbaday inay la shaqeyso, isla markaasna la hoos geeyo madaxii howlgallada Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir Axmed Maxamed Xaaji (Ilka-case) oo isna dil toogasho ah shalay lagu xukumay.
Haweeneydaan oo la hadleysay warbaahinta dowladda ayaa sheegtay inay aqbashay dalabka Al-Shabaab waxayna dhahday “Al-Shabaab waxay i dhaheyn qori kuu dhiibi meyno, qarax samey kuma dhaheyno, hub noo kala wareeji kuma dhaheyno kaliya waxaa kaa rabnaa macluumaadka madaxda degmada, xilliga ay xafladaha jiraan iyo waqtiyada ay imaanayaan xarunta”.
Faadumo ayaa Ururka Al-Shabaab u gudbisay macluumaad badan oo ku saabsan Gobolka iyo degmada ay dagnayed, waxayna laheyd magacyo badan oo afgarasho ah waxaana ka mid ah Faadumo Korneyl iyo Cosobo.
Faadumo inay ku biirto Al-Shabaab waxaa sabab u ahaa Cabdullaahi Cabdi Biya-maaxo oo ah nin ay dhashay islaan eedo u ah Faadumo, waxayna deegaan ahaan kasoo jeedaa Gobolka Hiiraan waana 24 jir, sida ay sheegeen hey’adaha Ammaanka ee Dowladda Soomaaliya.
Shaqada ugu badan oo ay Faadumo qaban jirtay ayaa aheyd inay is tusiso dableyda Khaarijiyeyaasha ah ee Al-shabaab ka tirsan iyo dadka ay dilayaan.
Faadumo ayaa fududeysay isla markaasna kooxaha Al-Shabaab u qaabilsan dilka kala shaqeysay shirqoolo lagu dilay saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska iyo Mas’uuliyiin kale sida laga hor caddeeyey maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.
Faadumo ayaa qirtay inay shaqada ay ka heysay Maamulka Gobolka Banaadir u adeegsan jirtay sidii ay Al-Shabaab uga caawin laheyd dilalka madaxda Dowladda.
Ururka Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe haweenka u isticmaalayey fulinta shirqoolada iyo qaraxyada ay ka fuliyaan Muqdisho, waxaana qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir ka dhacay fulisay haweeney Indhoole ah oo Gobolka ka shaqeyn jirtay.
Hey’adaha Ammaanka ayaa sheegay inay ku daba joogaan Liiska Haweenka Al-Shabaab la shaqeeyo oo ay kamid aheyd Faadumo.




SOURCE: Fadumo Korneyl: Basaasadii Shabab ay ka dhex qoratay dowladda hoose ee Xamar ee shirqoolada badan fulisay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.