Fahad Yaasiin ” qaar ka tirsan Xildhibaanada ayaa damiintay Shabaab lasoo xiray”

0
288

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ku simaha  Taliyaha Nabadsugidda NISA ahna Taliye kuxigeenka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa sheegay inay jiraan XIldhibaano damiintay dad ka tirsan Al-Shabaab oo lasoo qabtay.Fahad Yaasiin oo Shalay kamid ahaa madaxda Hey’adaha Amniga ee Su’aalaha lagu waydiinayey kulankii Baarlamaanka ayaa sheegay in 39% ay jiraan Xildhibaano Baarlamaanka tobanaad oo damiintay rag Al-Shabaab ka tirsan oo lasoo xiray.Fahad Yaasiin ayaa sheegay in Ragii Shabaab ka tirsanaa oo ay damiinteyn Xildhibaanada inay dib ugu laabteen Al-Shabaab oo ay dhibaato ku hayaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.Wuxuu intaas kusii diray in haddii Xildhibaanada lala xisaabtami lahaa aan loo yeeri karin maadaama ay yihiin Xildhibaano leh Xasaanad sida uu hadalka u dhigay.Fahad ayaa ku baaqan in si looga hortagi inaysan taas camal dhicin si deg deg ah loosoo ansixiyo sharciyo muhiim ah oo hor-yaala Baarlamaanka oo uu ugu horeeyo Sharciga la dagaalanka Argagixisada.Fahad Yaasiin ayaa ahaa Mas’uulkii su’aalaha ugu badnaa lagu waydiiyey kulankii Shalay ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la helay cod kamid ah jawaabaha uu bixiyey oo ay ka muuqatay xanaaq kadib markii uu Xildhibaan Zakariye waydiiyey arrimo ku saabsan eedeynta Fahad loo soo jeediyey ee ah inuu Shabaab ka tirsan yahay iyo ceyrintii Taliyihii hore ee nabadsugidda.Taliye ku xigeenka hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Cabdalla Cabdalla ayaa Maxkamadda u gudbiyey dacwad ka dhan ah Fahad Yaasiin oo uu ku eedeeyey inuu wada shaqeyn la leeyahay Kooxda Al-Shabaab.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Fahad Yaasiin ” qaar ka tirsan Xildhibaanada ayaa damiintay Shabaab lasoo xiray”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.