Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Mudane Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa goor dhaw heshiis saddex geesood ah ku kala saxiixday magaalada Asmara.
Heshiiskan ayaa waxa uu dhigayaa in Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar.
Dhinacyada ayaa la filayaa inay wada-hadallo kale oo dheeri ah yeeshaan, islamarkaana ay soo saaraan qodobada faah-faahsan ee heshiiska ay gaareen.
Waxaa sidoo kale qabsoomaya shir saddex-geesood ah oo kulminaya Madaxweynayaasha Soomaaliya, Eritrea, iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia. Shirkaasoo ka dhacaya magaalada Asmara ee Caasimadda Eritrea 6- 7 bishan September.
Shirkan waxa uu gogol xaar u yahay sidii la isugu xiri lahaa xaaladda amni iyo kobaca dhaqaale ee wadamada gobolka, maadaama dunidu hadda u soo jeesatay fursadaha maalgashiga ee Geeska Afrika.
SOURCE: Farmaajo, Afwerki iyo Abiy oo heshiis saddex geesood ah ku saxiixday Asmara