Farmaajo oo ka digay laba kooxood oo maleegaya shirqoolo halis badan.!!

0
139

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa daboolka ka qaaday in Kooxaha xagjiriinta Somalia ay maleegayaan dhibaatooyin kala duwan.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xagjiriinta Somalia ay marka hore ka go’an tahay inay cuuryaamiyan shacabka Soomaaliyeed ee doonaya isbedelka ka dhashay dalka.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in cadowga Dowlada Somalia aysan ku koobneen keliya Al-Shabaab balse ay jiraan dhinacyo kale sida Daacish iyo Kooxo kale oo uu sheegay inay aad uga soo horjeedan Nabadda iyo isbedelada ka jira Somalia.
Kooxaha xagjiriinta Al-Shabaab iyo Daacish ayuu sheegay inay sameysteen Odayaal dhaqmeedyo ku shaqeeya rabitaankooda kuwaa oo dadka uga sheekeeya waxa u roon Al-Shabaab, balse dowlada Somalia ay simi doonto Odayaasha ceynkaasi ah iyo Al-Shabaab.
Al-Shabaab iyo Daacish ayuu sheegay inay ka shaqeynayaan sida ay Somalia dib ugu celin lahaayen halkii ay kasoo gudubtay mar hore.
“Waanu la socnaa in dhagarta Al-Shabaab ay gaartay heer Odayaasha qaar ay ku shaqeystaan anagu wixii aan u aragno inay kasoo horjeedan Horumarka iyo Nabadda waa inoo cadow”
Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu dadka shacabka ah uga digay inay ku qaldamaan kuwa doonaaya inay qalqal amni iyo mid Siyaasadeedba galiyaan dalka, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Somalia ay leedahay Soomaali.
Dhinaca kale, dowlada Somalia ayuu ballanqaaday inay dhabar jabin doonto wax waliba oo caqabad ku ah midnimada iyo jiritaanka Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Farmaajo oo ka digay laba kooxood oo maleegaya shirqoolo halis badan.!!

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.