FARMAAJO oo Museveni la kulmay kadib aflagaadadii uu u gaystay Soomaaliya

0
255

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa Magaalada Addis ababa kula kulmay qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha Afrika ee ka qeybgelayay shir madaxeedkii 32-aad ee Miudowga Afrika.Mr Museveni ayaa qoraal uu ku qoray Boggiisa Twitter-ka ku sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya ay ka wadaha hadleen xiriirka labada dal, sidii loo adkeyn lahaa iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen amaanka, xiriirka iyo waxbarashada.Kulankan ayaa yimid dhowr toddobaad kadib markii Museveni uu aflgaadeeyey Soomaaliya, isaga oo sheegay inaysan lahayn wax nidaam dowladeed ah.Hadalkaas ayaa waxaa ka jawaabay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo sheegay in Museveni iska hadlay, islamarkaana ay arrintan si hoose ugala hadli doonaa.Si kastaba ma cadda haddii arrintan lagu soo qaaday kulankii Museveni iyo Farmaajo.Uganda waxaa ay safka hore uga jirtaa waddamada Ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya,waxaana socda qorshe Ciidanka AMISOM looga saarayo dalka.Museveni iyo hoggaamiyayaasha kale ee Afrika ayaa saaka isaga tagay Magaalada Adis ababa oo ay ku sugnaayeen dhowrkii habeen ee la soo dhaafay.Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com 




SOURCE: FARMAAJO oo Museveni la kulmay kadib aflagaadadii uu u gaystay Soomaaliya

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.