|

FARMAAJO: Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo dhan waa shaqo doono (Daawo)

Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ayaa ka hadlay Siyaasiyiinta horjeedda ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in siyaasiyiintaasi oo dhan ay yihiin shaqo doon,  sidaasna ay ku mucaaradayaan dowladiisa.
“Siyaasiyiinta bannaanka taagan ee hor-taagan idaacadaha iyo facebook-yada ka qeylinaya kuligood waa shaqo doon, oo waxay yaqaaneen wixii ay soo dhadhamiyeen maalin walba waxbaa la bedelaa in la abuuro siyaasiyiin cusub oo aan laga faa’iideysan, qaar waa aamusan yihiin, qaarna dagaal ayey ku jiraan, oo in lugaha la haayo, hebel waa qeylinayaa ee bal haloo yeero, waa caqabad dad badan ku baraarugsaneyn” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Farmaajo ayaa siyaasiyiintii maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta ka hadlayay oo ay ka mid yihiin madaxweynaayashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ku tilmaamay kuwa xanaaqsan oo maamulkiisa kasoo horjeedda.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in cabaqado weyn ay dowladda Soomaaliya kasoo wajaheen dalalka dariska la ah Soomaaliya, maamul goboleedyadda, Khaliijka Carabta iyo meelo kale.
Maamul Goboleedyada ayuu ku eedeeyey inay isku dayayaan la wareegitaanka awoodda Dowladda Dhexe iyagoo adeegsanayo Dowladaha dariska sida uu hadalka u dhigay.
Dowladda ayuu sheegay in ay dadaal badan ku bixisay in ay ka hortagto Khilaafaadka soo gala dhex gala Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha iyo baarlaamanka.
Halkaan hoose ka daawo khudbadda madaxweyne Farmaajo






SOURCE: FARMAAJO: Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo dhan waa shaqo doono (Daawo)

DAAWO WAREYSI IYO JAWAAB UU M. FARMAAJO KA BIXIYEY

Leave a Reply

DAAWO WAREYSIGA MADAXWEYNAHA

Recently Commented

  • Abdulqadir Tallman: Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay aas Qaran oo loo sameysay Saraakiishii lagu dilay nawaaxiga...
  • Abdulqadir Tallman: Yaa qaadanaya lacag ay soo daabaceen Farmaajo iyo qashinka ku hareereysan? Yaa tuugo ku aaminaya...
  • Abdulqadir Tallman: Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in baaritaan ay ku wadeen xafiiska Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda...
  • Abdulqadir Tallman: Ololaha uu waayadan ku hayay Raiisulwasaare Kheyre baa halkaa la galy ee Farmaajo isaga iyo...
  • Mohamed Ali Hassan: Application