|

Faroole oo arrimo xasaasi kusoo qaaday khudbad uu ka jeediyey xafladda Deni

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa jeediyay khudbad uu kaga hadlayay arimo badan oo ku saabsan Soomaaliya iyo Puntland.Khudbadiisa ayuu kaga hadlay arrimo ay kamid yihiin dhameystirka Dastuurka dalka Soomaaliya, dib u heshiisiinta madaxda maamulka Galmudug, xalinta Khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada.Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la dhameeyo sidoo kale khilaafka u dhaxeeya xubnaha mucaaradka ee xisbiyada ku jira iyo madaxda dowladda Soomaaliya.“Waxaa meesha loo yimid baan is leeyahay niyad sami ayaa halkaa la iskuugu yimid, waxaan leeyahay halkaa “Garowe” waa lagu nafisayaa,  adduunka khilaaf siyaasi wuu ka jiraa  laakiin waa la xaliyaa, caqliga ha shaqeeyo, Trump ayaaba lagu dhagay oo isagaa tanaasulay, inaga maxaa inoo diiday inaan isku tanaasulno”“Waxaan leeyahay dib haloo bilaabo wadahadalka Somaliland, midnimada halaga shaqeeyo, dad badan ayaa daneynaya in wadahadalka dib loo bilaabo, Turkey ayaa kaalin wanaagsan qaadaneyso, dadka wey is dhex galaan Tusaale Garowe iyo Hargeysa”“Ajaaniibta waxaan leeyahay anaga hana kala jeedinine waxaad heysaan miiska soo saara, dowladaha carabta ee baqeylada ah ee maalin walbaa ka tuugeyno garoomo noo dhisa, waxaad heysaan miiska soo saara anaga dhinacyada hanoo kala jiidaninee”ayuu yiri Faroole.Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com




SOURCE: Faroole oo arrimo xasaasi kusoo qaaday khudbad uu ka jeediyey xafladda Deni

DAAWO WAREYSI IYO JAWAAB UU M. FARMAAJO KA BIXIYEY

Leave a Reply

DAAWO WAREYSIGA MADAXWEYNAHA

Recently Commented

  • Abdulqadir Tallman: Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay aas Qaran oo loo sameysay Saraakiishii lagu dilay nawaaxiga...
  • Abdulqadir Tallman: Yaa qaadanaya lacag ay soo daabaceen Farmaajo iyo qashinka ku hareereysan? Yaa tuugo ku aaminaya...
  • Abdulqadir Tallman: Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in baaritaan ay ku wadeen xafiiska Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda...
  • Abdulqadir Tallman: Ololaha uu waayadan ku hayay Raiisulwasaare Kheyre baa halkaa la galy ee Farmaajo isaga iyo...
  • Mohamed Ali Hassan: Application