Faysal Cali Waraabe oo shaaciyey hal arrin oo loo aqoonsan la’yahay Somaliland

0
252

Hargeysa (Caasimada Online) ― Deegaanada Somaliland ayaa shalay waxa looga dabaal-degay 28-Guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay gooni uga goosatay Dalka Soomaaliya.Dabaal-degaas ayaa waxa sanad kasta laga xusaa deegaanada Somaliland, kaasi oo ku beegan maalinta 18-ka May, balse muddo 28-sano kadib, Somaliland ma helin wax aqoonsi ah, iyadoo ku naaloneysa nabad-gelyo balaadhan iyo geedi socodka dimuquraadiyada.Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo shalay bixiyey wareysi gaara ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin siyaasada Somaliland iyo ictiraaf raadinta.Guddoomiye Faysal ayaa ka dhawaajiyey in maalinta 18-ka May ay tahay maalin qaran oo qiimo weyn ku leh bulshada reer Somaliland.Faysal ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Somaliland loo aqoonsan laayahay habacsani gudaheeda ah oo ay sababtay jabhadii SNM, ee uu ka tirsanaa Madaxweynaha hadda talada haya ee Muuse Biixi, wuxuuna yiri“Maanta waa maalmaha u qiirada badan, waad ogtahay dhibaatadii ka dhacday dalka, magaalo qudha oo dhisnayd majirto, marka in maalintaas la xuso way mudnayd. Hadda kahor waxaan sheegay oo aan oran jiray, markii ay laba sano jirtay Somaliland, hadaad sanadka maanta ah joogtaan ictiraaf waad helaysaane adkaysta”.“Waxa la inoo ictiraafi waayey maahan wax dibadda inooga yimid waa wax gudaheenna ah, Markii jabhadi waddan qabsato, waa in ay waddankaas gacanta ku dhigto, oo ay hay’adaha dalka dhisto oo markay dhowr iyo toban sano joogto hadhow Dimuquraadiyad loo baddalaa”.Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaa nasiib darro noqtay in SNM markii ay dalka qabsatay ay soo baxday habacsanaan dhanka xukunka ah, marka dhallinyadii ay daryeel waayeenna khayraadkii yaraa ee dawladdii ay ka dagtay, ayaga dhexdoodii ayaa isku dilay, markii lagasoo kabtayna siyaasad loo dhan yahay ma aanay samayn”.Guddoomiye Faysal ayaa wuxu ugu dambeyntiina uu sheegay in aanay jirin siyaasad wax ku ool ah oo ay leedahay Somaliland, isagoona ka dhawaajiyey in waqtigiiba uga dhamaaday khilaafad iyo dhaliilo joogta ah.Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com




SOURCE: Faysal Cali Waraabe oo shaaciyey hal arrin oo loo aqoonsan la’yahay Somaliland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.