FEERYAHAN DIL UGU HANJABAY GOOL HAYIHII LIVERPOOL KU CEEBEEYAY FINALKA CHAMPIONS LEAGE.

0
398

Wali Dad badan Madaxooda ayay kasii guuxaysaa fadeexadii kooxda Liverpool ay kala kulantay Hamigeedii aahaa in ay 12 sano kadib qaadaan Champions leage waxaana markeedii sedexaad oo xiriir ah qaaday kooxda Real Madrid.

Taageereyaal badan ayaa waxaa ay Baraha bulshada ku faafiyeen Digniino ku aadan in ay Khaarijin doonaan Gool haye Loris Karius oo ay u arkaan in uu ka galay Uur kutaalo lama ilaabaann ah.

Feeryahanka caanka ah ee kasoo jeeda magaalada Liverpool aadkana u taageera Everton ee lagu magacaabo  Tony Bellew ayaa si cad weerar afka ah ugu qaaday Shabaq ilaaliye Loris Karius waxaana uu dusha uga tuuray eedayn ku aadan in uu ka dambeeyay fashilkii Liverpool ay kula kulantay Ciyaartii habeen ka hor dhacday.

“Maya Haba yaraatee lama muraygaysni isaga,Xaqiiqdii waa xirfadle Doqon ah,waxa uu kooxdiisa ugu kacayaa 100 milyan oo Gini,kaas waa nin Todobaadkii qaadanaya 80,90,waxaan leeyahay Qayb haka noqon kulamada sidaa u waa wayn.

Tony Bellew oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray”Hal Qalad waan aqbali karaa,waxaan filayaa in sadaxda goolba qaladkooda uu lahaa,xitaa goolkii labaa layda ahaa,waa kubad cajiib ah lkn bal eeg isaga,gacanta ayuu la heli karay,waan ka xumahay,miyaad filaysaa in ay taasi dhaafi lahayd Gool haye Buffon,anigu koleey ma filayo.

Waxaa dhanka kale uu si wayn u sheegay  Tony Bellew in waxyaabaha meesha ka dhacay ay ahaayeen waxyaabo aan loo baahnayn.

Waa mid kamid ah eedaymihii ugu kululaa ee saacadihii ugu dambeeyay loo soo jeedinayay Gool haye Loris Karius waana mid halis ah maadaama feeryahankan ay suuro gal tahay hadii ay iska hor yimaadaan in uu si toos ah u khaarijiyo.

 

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.