Ficillada Mahad Karataay oo sii xoojinaya tuhunka geerida Abu Cubeydah

0
162

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab oo la ogyahay in sanadihii ugu dambeeyay ay sii liicayeen maamul ahaan iyo urur ahaan ayaa hadda waxaa isa soo taraya tuhunka ku saabsan in uu geeriyooday Amiirkii kooxda Al Shabaab ee Abuu Cubeyda, kaa oo u dhintay cudurka Kansarka Caloosha.
Militry-ga Dowladda Federeralka Soomaaliya, iyo hay’ado la dagaalama kooxaha argagixisada ah ee Soomaaliya ka howlgala ayaa bishii hore shaaciyay in Abuu Cubeyda uu dhintay islamarkaana Mahad Karataay uu noqday Amiirka Al Shabaab, balse kooxda ayaa wararkaasi u beenisay siyaasad ahaan, sida ay ogaatay Caasimadda Online.
Shakiga laga qabay Geerida Abuu Cubeyda waxaa sii xoojinaya markii dhowr jeer warbaahinta ku hadasha afka Shabaab ay baahisay wararka  Mahad Warsame Abu-C/raxmaan (Mahad Karate) oo hadalkiisa badanaa aa la maqli jirin intii Abu Cubeyda uu amiirka Shabaab ahaa.
Mahad Karataay ayaa markey soo ifbaxday geerida Amiirkii Shabaab ee Abu Cubeyda, waxa uu xaqiijiyay in uu noolyahay, laakiin hadalkiisa intaas kuma see ekeen oo arimo kala duwan ayuu ka hadlay waxaana ugu dambeysay shalay oo uu sheegay in Shabaab ahaan ay ka hortagayaan heshiiskii dekadaha ee Soomaaliya Iyo Itoobiya.
Karataa waa ku xigeenka Amiirka kooxda Al Shabaab waxaana hadda shaki ka taagan yahay in Amiirka Kooxda uu noqday kadib muran dheer o oo kala dhaxeeyay golaha shuurada kooxda  oo qabaa’ilo u kala qeybsan.
Al Shabaab inta badan horay kama sheegeen isbadalka ku yimaada kooxdooda ama hadii ladilo amiirka amaba uu dhinto, waxaan cadeyn kuu ah markii diyaaraha Mareykanka ay duqeyn ku dileen Amiirkii Shabaab Abuu Zubeyr in ay qarinayeen muddo bilooyin ah, waloow markii dambe ay shaaciyeen.
Ku badnaanshaha warbaahinta ee Mahad Karataay iyo aamusnaanta Abu Cubeydah, waxay sii xoojineysaa un shaki ku saabsan in Abu Cubeydah geeriyooday.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 




READ MORE FROM THE SOURCE: Ficillada Mahad Karataay oo sii xoojinaya tuhunka geerida Abu Cubeydah

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.