Filashadii aan fulin: Ardayda dalka debaddiisa wax ka barata!

0
87

Dawlad la’aantu waxay soo barbaarisay bulsho bilaa ogaal ah, sidoo kalena hab iyo nidaam dawladnimo aan wax badan kala socon, aqoonteediina aan habkeeda haynin. Waxa isku qaldamay wixii kugu waajibka ahaa iyo waxaad helistooda xaqa u lahayd. Waxa caddaatay in dawlad la’aanta iyo dullaysiga xidhiidh ka dhexeeyo! Haa. Marka aad waxaaga daadiso sharaf iyo karaamo midna ha sugin.

U suudalidda dhulal iyo dawlado nidaam leh waxa lagala kulmayaa caqabado iyo hawlo aan lagu sii talo gelin! Waddamada ugu badan ee ardayda Soomaalidu wax ka bartaan waa: Malayshiya, Bangaladesh, Hindiya, Shiinaha, Indoniisiya, Turkiga, iyo waddamo Afrika ka mid ah.

Qormadan waxaan si kooban ugu eegi doona dhibaatooyinka ay ardayda Soomaalidu la kulmaan marka ay waxbarasho dalka debaddiisa ugu baxaan, inta waxbarata iyo inta lunta, iyo weliba qaabka ay u wada nool yihiin.

Waxaan qormadan badankeeda ku salayn doonaa waddanka Bangaladesh oo aan xog-ogaal dhab ah u ahay, si guud. Xaaladaha qaarkood waddamada aan hore u soo xusay way ka siman yihiin badankoodu.

Qormadan ujeedkeedu igama aha  in aan xumaan jirta sheego iyo in aan ammaan xayaysiis ah soo tebiyo midna. Balse dulucdeedu waa in aan ku baajiyo filasho aad u weyn oo waalidka iyo dalkiiba ka qabaan ardayda waxbarashada ugu maqan. Waxa kale oo aan daaha ka faydi doonaa in ardaydu dhibaatooyin aan yarayn la kulmaan, waxa kale oo aan si kooban u xusi doonaa in ay ardaydu la yimaaddeen ugu yaraan qaab ay u wada noolaadaan iyada oo ay caqabado badani haystaan.

Tallaabada koowaadba waxa ardayda Soomaalida ku adkaata doorashada waxa ay rabaan in ay bartaan iyo halkii ay ka baran lahaayeen. Arrinkani waa mid laga wada siman yahay badanka, oo aan is idhi malaha ma jiro qof iswaydiiyay waxa uu rabo in uu barto, iska daa fikrad in uu ka haystee. Tani waxa ay markiiba jaahwareer ku abuuraysaa ardaygii waxbarashada soo doontay balse aan aqoon waxa uu baran rabo. Saaxiibbo iyo dad ay noloshu kulmisay ayuu ka warsanayaa wixii uu baran lahaa. Halkani waa meesha uu jaahwareerkiisu kasii labo jibbaarmi doono, oo qof kastaaba waxa uu u sheegi doono in uu barto waxa uu isagu markaa baranaayo, oo uu welibana ugu dari doono dardaar welin qaddimaad ah, oo  ku saabsan waxyaabaha kale ee la barto oo idil.

Doorashada jaamacaddii uu ku biiri lahaa waxa ay iyaduna uga murgaysaa si la mid ah sidii ay uga murugtay kulliyaddii uu baran lahaa. Ardaygani ma yaqaanno wixii uu ku cabbiri lahaa jaamacadda uu rabo. Sidee ayuu jaamacadda u cabbiri karaa haddaanu garanayn waxa uu rabo in uu bartaba. Ardaygu marka uu fahan ka haysto kulliyadda uu doonayo in uu ku biiro, waxa uu si sahlan u dooran karaa meesha uu ka baranayo, isaga oo fiirinaya jaamacadda ugu wanaagsan ee kulliyadan uu rabo bixisa.

Isugaynta garasho la’aanta kulliyaddii uu baran lahaa iyo goobtii uu ka baran lahaa waxa ay arday badan oo niyad wanaag ku soo safray ku sababtaa in aanay waxba baran, oo ay muddo meehannaabaan, wakhtigiina sidaa kaga lumo. Qaar kale waxa ay sabab ugu noqotaa in ay waddankii dib ugu laabtaan, halka kuwa kalena waddammo kale uga sii baxaan oo aynu garan karno in ay sidan si la mid ah ugu asqoobi doonaan.

Waxa ay ardayda Soomaalidu dhib aan yarayn kala kulmaan meeshii ay degi lahaayeen iyo ciddii ay la degi lahaayeen labadaba.

Marka aynu ka hadlayno meesha ardaygu degaayo waxa ay noqon kartaa labadan midkood: haddii jaamacaddu leedahay meel la dego (Dorm or Hostel) oo ku habboon ardayga, laguna noolaan karo tani waxay sabab u noqonaysaa in aanu ardaygu dhib badan kala kulmin raadinta meeshii uu degi lahaa. Balse haddii aanay jaamacaddu lahayn meel la dego ama ay tahayba meel aan ku habboonayn ardayga, oo ay ugu muuqato in aanu ku noolaan karayn, tani waxa ay noqonaysaa hawl hor leh oo bilawgiiba ardayga la soo gudboonaata.

Tusaale ahaan, Bangaladesh waa wax adag in guri laga kireeyo dadka soolanaha ah (Ardayda). Iyadoo tani jirtay ayay haddana ku biirtay ajaanibnimo (shisheeye) way ka sii adkaanaysaa intii ardaynimada. Waxaad ku darsataa in aad Soomaali tahay, oo marka aad waddankaaga magiciisa sheegto, waxa laguu dhiibayaa jawaab degdeg ah oo aan laga fiirsanayn. Maya idin kama kiraynayno!

Marka aynu ka hadlayno cidda uu ardayga cusubi la degaayo dhawr waxyaabood ayaynu xusi karnaa. Qofku marka uu waddankii ka soo tagaayo waxa uu maankiisa ku haystaa in uu raadsado dad lala noolaan karo, oo hadaf ama ujeeddo idin midayn karto balse in uu heli doono ma hubo. Marka waddankii la joogo ardayda aydun dugsiga wada dhigataan waxba iskama taqaannaan, waayo idinkoo labbisan oo buugaag wata ayaydun galaaska ku kulantaan. Haddaba marka guri la wada dego, ee wax badan oo nolosha ka mid ah la wadaago si wanaagsan ayaa la isu baranayaa. Dadka qaarkood, in kasta oo ay guryahoodii toos uga yimaaddeen, haddana dabeecad dadka lagula noolaan karo ayay leeyihiin, tani waxa ay u saamixi kartaa in uu cid walba la dhaqmo. Halka kuwo kale noqon karaan “ku daari maayee ha i daarin”, cid kastana sidaa ayay isku seegaan.

Si  kooban haddaan u idhaahdo, qofka bulshayga ah, helana dad ay isfahmi karaan way u sahlanaanaysaa in uu dadka dhinac ka raaco. Qofka ay ku adag tahay in uu bulshada dhex galo, dadkana la nooladaa dhib ayuu la kulmayaa. Haddaanu kartideeda lahayna, sida uu isu debbaraa way adkaanaysaa.

Waalid kasta oo ubadkiisa u soo diray si ay wax u soo bartaan, waxa uu naawilayaa in ilmihiisii waxbarasho ku fooggan yahay, oo uu maalin uun ka farxin doono. Wax kasta ayuu waalidku  diyaar ula yahay ilmihii uu waxbarashada u soo diray.

Inta aan ka warqabo haddaba, intooda badan ubadkani ma rumayn karaan filashada waalidkooda iyo tacabkii la geliyay midna. Sababtuna waxay tahay in aanay haba yaraatee ardaydani bixin dedaalkii looga baahnaa, si ay u rumeeyaan hanka waalidkooda iyo kii waddankoodaba. Cid toosisa oo yoolka u saxdana haba sheegin, waalidka badankiisu ma awoodo in ay safarro u soo galaan sidii ay waxbarashada ubadkooda u soo hubin lahaayeen. Inta awooddaana malaha waanay ku baraarugsanayn in ubadkoodu lumi karaan.

Maan arag cid ku fooggan dhaqammo iyo waxqabadyo loogu gargaarayo bulshadeennii dayaca badani haystay, ee dib-u-dhaca dhinaca kasta tabcaanka la ahayd.

Intii aanan waddanka debadda uga soo bixin waxaan rejo badan ka qabay in dhallinta dalka debaddiisa wax ku soo baratay, ee dunida kale soo aragtay, ay door muhiim ah ka qaadan doonaan sidii bulshadu hayaan nololeed u geli lahayd. Balse waxaan xaqiiqsaday hayaan ay qayb ka noqdaan iska daaye in ay dib-u-dhaca iyo gegi-yuururka lagu jiro kaalin weyn ka qaadan doonaan sidii baaqi loogu sii ahaan lahaa.

Ardaydii loo soo diray in ay wax soo bartaan in badani waxba ma barato, in kalena jaamacadaha way xaadiraan laakiinse uma tagaan ujeeddo iyo in ay wax ka soo korodhsadaan. In kooban ayaan odhan karaa waxa ay ku sifoobayaan ardaynimo run ah, laakiinse iyaguna aan dedaalkii looga baahnaa bixin.

Si kooban haddaan u sheego inta aan waxba baran ayaa ka badan inta si toos ah wax u dhigata.

Waxa ugu badan ee wakhtiga lagu bixiyaa waa isticmaalka baraha bulshada ujeeddo la’aan. Waxa soo raacaana waa hurdo aan lagu ledin, oo aan wakhtigii ku habboonaa loo hollan.

Safaarad iyo qunsuliyad dawladdaada iyo dalkaaga metesha midna meesha ma joogto. Tanina waa dhib kale oo aan la dhayalsan karin. Wax kasta oo ardaygu u baahan yahay iyo xaalad kasta oo la soo derista dhallinta wax ka barata Bangaladesh, waa in ay iyagu xal raadsadaan balse aanay ku xisaabtamin dawlad iyo dal toona. Waayo dawladduba kama warqabto in dadkeedu dhib qabaan. Haddii ay dawladdu ka warqabi lahayd baahida bulshada ay metesho, malahayga muddadan dheer dadka Soomaalidu dhibtan ma qabeen!

Waxa jira waxyaabo aan odhan karo ammaan ayay u noqon karaan ardayda Soomaalida ee waddanka debaddiisa wax ku barata. Waxa ay u adkaystaan caqabadaha dawlad la’aanta ee ay magac xumaduna weheliso. Marka aad sheegato in aad Soomaaliya ka timid waxa qofka kula hadlaya ka degaysa masuuliyaddii iyo ixtiraamkii qof ajaaniba loo muujin lahaa. Waayo sumcadda waddankaagu waxbay kuu goyn kartaa, waxna waad ku waayi kartaa.

Waxa ay ku guulaysteen in ay qaab kooxo ah u noolaadaan, oo ay u wada degaan. Wixii ay doonaan ha isku xusheene. Qabiil iyo qoomiyad kay ahaataba! Waa calaamad ugu yaraan muujinaysa in ay fahmeen, maareeyeenna qaab ay u wada noolaan karaan xilligan adag iyo noloshan bilaa ciirsiga ah.

Waxa jira kulammo la isugu yimaaddo wakhtiyo gaar ah, oo aan ujeeddo iyo kajeeddo toona laga lahayn. Waxa kulamadan ugu mudan xuska maalmalaha xorriyadaha la qaatay. Uma malaynaayo in hadal la iska hadlo iyo muusig la dhegaysto mooyee, wax kale oo in uun ujeeddo bulsho iyo dano ummadeed ama ardayeedba ku saabsan lagaga wada hadlo.

Dadka kulamadan soo qaban qaabiyaa, badanka wax ay uga gol leeyihiin labo midkood: in dhuuni yari ka soo galo, oo hunguri ayay u galaan ayaynu odhan karnaa, iyo malahayga in ay soo muuqdaan oo magacooda iyo wejigooda la aqoonsado, sidaana ay bulshada boos kaga dhex helaan. Balse waxay hilmaameen qofka u adeegidda dan bulsho u tafaxaytaa in aanu waxyaabaha qaar ku sifoobin, hungurina aanu ka gelin wax arday laga soo ururiyay.

Waa tilmaan tabnaansho badani ka muuqdo runtii. Sabab iyo sababo kaleba. Dhallinta aqoonta baranaysaa waxay ahayd in kulanka ay kulmaan lagu calaamadiyo xal u helidda halis bulshada dhextaalla. Balse taa beddelkeeda ka warrama haddaynu aragno kulankii dhallinta aqoonta lagu tuhmaayay, oo qayb ka noqonaya meelaha xishoodkii iyo qiyamkii bulshadaba lagu aaso. Waa tilmaan kale oo fogaynaysa rejada guusha ee bulshadeennu naawilayso!






SOURCE: Filashadii aan fulin: Ardayda dalka debaddiisa wax ka barata!

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.