Fiqi: Is-cafiska siyaasiyiinta wax ka horreeya ayaa jira

0
269

Garowe (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan musaanabadii xalay ka dhacay magaalada Garowe iyo in siyaasiyiinta Soomaalida is-cafiyaan, isaga oo sheegay in cafiska ay wax ka horreeyaan.Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u qornaa sidan:Xaley munaasabaddii caleema-saarka waxey aheyd gogol si wanaagsan loo Soo agaasimay, dad waxgal ah la isugu keenay, dalka gudihiisa la dhigay weliba magaallo Soomaaliyeed oo nabad ah, intaas ka dibna hadallo wanaagsan laga yiri oo wax isku Soo dhowaynaya kuwaasoo ay fure u ahayd kalimaddii qiimaha badnayd ee uu madasha ka jeediyey Islaan Ciise Islaan Maxamed, mas’uuliyiintii ka danbaysayna aysan ka leexan khadkaas uu islaanku iftiimiyey.Waxaa maalmahaan socday mashruuc uu waday Sheekh Kenyaawi oo la magac-baxey “CAFI WALAALKAA” , halkaan Garoowe-na wuxuu islaan Ciise uga dhawaaqay mashruuc kale oo la yiraahdo “XALEY DHALEY KA NOQO”.Farqiga u dhexeeya labada Mashruuc, kan hore waa mid Caam ah oo bulshada oo dhan khuseeya balse kan danbe wuxuu la xiriiraa dad siyaasiyiin oo arrimo jira ama qaddiyado taabanaya siyaasadda dalka la isku haayo wuxuu u baahan yahay marka hore In la wadahadlo, ka dibna la heshiiyo, natiijaduna iscafin noqota taasoo dhasha iskaashi iyo wada-shaqeyn dalka u horseeda nabad iyo Horumar.Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com




SOURCE: Fiqi: Is-cafiska siyaasiyiinta wax ka horreeya ayaa jira

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.