Fiqi: Madaxda Villa Somalia ayaga oo ku mashquulsan kursi sii haysasho ayaa gurigooda loogu tagay

0
16

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarkii ay Al-Shabaab Xalay ku qaadeen Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho oo ku yaalo meel aan sidaas uga fogeyn madaxtooyada Villa Somalia.
Xildhibaan Fiqi ayaa dayacaad mas’uuliyadeed ku tilmaamay inay Al-Shabaab soo weeraraan 1Km oo ay Dowladda Soomaaliya isugu geysay ciidamadii iyo dhagxaantii ugu badnaa isla markaasna ay saacado badan ka dagaalamaan.
“Dhul baaxaddiisu ay ka yar tahey 1km oo ciid iyo ciidan intii ugu badneyd lagu gadaamay In Alshabaab soo gaaraan, soo galaan, qabsadaan isla markaana saacado badan ka dhex dagaalamaan ayagoo halkaas ka gaystey falal; argagaxin, dhaawac, dhimasho iyo burburin hantiyeed, ma jirto dayacaad mas’uuliyadeed oo ka weynaan karta dhacdadaas” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.
Xildhibaan Fiqi ayaa is waydiiyey sida Dowladda Soomaaliya loogu aamini karo sugitaanka Amniga dalka oo dhan maadaama ay ku fashilmatay sida uu hadalka u dhigay inay AL-Shabaab ka ilaaliso 1km oo uu ula jeedo aagga madaxtooyada Villa Somalia
“Waa wax la wada og-yahey In kooxda argagixisada ah ay dagaal kula jirto dadkeena, diinteena iyo dawladnimadeena laakin waxaa is weydiin mudan haddii amnigii hal kilometer la sugi waayey sidee dal dhan amnigiisa loo sugayaa?” Ayuu yiri.
Madaxda Villa Somalia ayuu ku eedeeyey inay seddexdii sano ay xilka hayeen ay ku mashquulsanaayeen sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen kursiga halka Al-Shabaab ay weeraro kusoo qaadeyso guryahooda sida uu hadalka u dhigay.
“Madaxda Villa Somalia oo ku mashquulsanaa saddexdii sano ee la soo dhaafay sidii ay kursiga u sii joogi lahaayeen oo kaliya, waxey keentay In argagixisadu ay qaraxyadii iyo weeraradii ugu keenaan guryahooda, halkii laga rabey In argagixisada la dabarjaro. Waxaa muhiim ah In tallaabooyin degdeg ah oo dhanka amniga ah la qaado” Ayuu sii raaciyey.
Ugu dambeyntii Axmed Macalin Fiqi ayaa Umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey dhibaatadii kasoo gaartay, wuxuuna Alle uga baryey kuwii ku dhintay inuu u naxariisto kuwa dhaawaca ahna bogsiimo deg deg ah siiyo.
“Waxaan u tacsiyaynayaa umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dadkii Soomaaliyeed ee is lahaa goob madaxtooyo xeyndaabkeeda ku jirta oo amni ah ayaad joogtaan ee halkaas lagu xasuuqey, intii ku dhaawactayna bogsiimo Degdeg ah, askartii gurmadka ku timid ee shuhadada aheydna Allaha u aqbalo”.




SOURCE: Fiqi: Madaxda Villa Somalia ayaga oo ku mashquulsan kursi sii haysasho ayaa gurigooda loogu tagay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.