FIQI oo si kulul uga hadlay warqaddii kasoo baxaday wasaarada arimaha dibada

0
317

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, ayaa si adag kaga hadlay warqadaha isdaba jooga ah ee kasoo baxaya wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ee looga hadlayo kiiska dilkii Wariye Jamaal Kaashuqji.Xildhibaanka ayaa sheegay in warqadaha isdaba jooga ah ee kasoo baxaya wasaaradda arrimaha dibadda ay dalka u ekeysiinayaan wadan aan jirin, maadaama sida uu sheegay laga hordhacayo mararka qaar go’aano aan la gaarin.“Waraaqaha Af-Carabiga iyo Af-Ingiiriska ku qoran ee isku midka ah, halka marna la soo wada saaray, ahna markii labaad oo ay xukuumadu warqad wiifto ah ka soo saarto arrinta dilka wariyihii Sucuudiga ahaa Khaasuqji ee raqdiisa iyo ruuxdiisa la la’yahay, wasaaradeena arimaha dibaddu ma waxey nagu matalaysaa in ay ayido “dilka 5 ruux oo loo maquuniyey in loo dilo arrintaas”.“Siyaasaddii arrimaha dibadda dalku ma halkaas ayey maraysaa in xukunnada go’aanada garsoorka dal kale oo aan weli dhamaan aan qoorataysanno, lana soo dhoweeyo dad la yiri waa la dilayaa, ayadoo ay muuqato in laga caaajisay in laga hadlo dhibaatooyinka badan ee dalka ka jira ee ka hadalka u baahan.“Warqad kasta oo noocaan loo soo saaro, waxey dalkeena u ekeysiinaysaa waraaqihii Cabdalla Shideeye laga soo saari jiray, hana laga dhabeeyo oraahdii caan baxdey ee xilligii qiirada jaban ay jirtay la dhihi jiray “Gaajo gobonimo leh ayaan ka haboon dhereg gunnimo wadata” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi. 




SOURCE: FIQI oo si kulul uga hadlay warqaddii kasoo baxaday wasaarada arimaha dibada

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.